Maamulka Dekedda Berbera oo Markii ugu Horreysay soo Bandhigay Waxqabadkiisa Sannadkii Xukuumadda Siilaanyo Talada Haysay

Berbera (Berberanews)- Maamulka Dekedda Berbera, ayaa markii ugu
horreysay warbaahinta u soo bandhigay waxqabadyada ay ku tallaabsadeen muddo
sannad ah oo xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo talada dalka haysay.

Warbixinno qoraal saxaafadda loogu talogalay, isla markaana xambaarsan
sawirro kala duwan oo muujinaya isbeddellada Dekedda Berbera ku tallaabsatay
intii u dhexaysay bilihii September 2010 ilaa June 2011, waxa si mug leh loogu
faahfaahiyey waxqabadyada maamulka hadda gacanta ku hayaa ku soo kordhiyey
adeegyada kala gedisan ee dekedda iyo weliba dhismeyaal cusub oo la hirgeliyey
muddada sannadka ah ee xukuumadda xisbiga KULMIYE dalka ka talinaysay.
Qoraalladaas oo si faahfaahsan uga warramaya horumarka maamulka Dekedda
Berbera sameeyey muddadaas iyo sawirrada adeegyada cusub ee ay ku soo kordhiyeen
agabka dekedda, kuwaasoo uu ugu muhiimsan yahay wiish casri ah oo awood u leh
dejinta nooc kastoo alaabooyin ah oo dekedda yimaad, isla markaana ganacsatadu
kaga maarmi doonaan wiishashkii waaweynaa ee ay dibadaha ka soo kiraysan jireen
iyo dhammaan waxqabadyada kala duwan ee maamulka cusub ku soo kordhiyey dekedda.
Haddaba, si akhristeyaashu uga bogtaan waxa uu wargeyska Jamhuuriya si taxane
ah ugu soo gudbin doonaa xogaha la xidhiidha waxqabadka Dekedda Berbera samaysay
muddo sannad ah oo ay xilka hayeen.
Waa kan Maareeyaha Guud ee Dekedda Mr. Axmed Yuusuf Dirir oo ka warbixinaya
waxqabadyadii maamulkiisu sameeyey intii u dhexaysay September 2010 – April
2011:
1- Koobidda Xafiisyada Shaqada:
Dekeddu waxay ku fadhidaa dhul aad u ballaadhan, xafiisyada ku yaalna way
kala durugsan yihiin, taas oo ganacsatadu cabasho xooggan ka muujiyaan.
Annagoo darsayna cabashada macaamiisha, ayaa waxaannu u kuurgalnay wareegga
dheer ee ay maraan ganacsatadu, maamul ahaanna waannu garowsanay.
Sidaa darteed, waxaannu samaynay qorshe lagu dhisay xafiis lagu soo koobay
hawlihii xafiisyada ku baahsanaa dekedda ee shaqooyinka lagu qabto.
Al-xamdu Lillaah, hirgelinta xafiiskani waxay meesha ka saartay cabashadii
ganacsatada, taasoo dekedda iyo qaranka Somaliland-ba guul weyn u ah.
Xafiiskaas waxa xadhigga ka jaray Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md.
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
2- Biyo-siinta Gaadiidka Badda:
Qaab-dhismeedka Dekedda Berbera waxa loogu talogalay in kaal (berth) kasta
gaadiidka badda laga siiyo biyo.
Tan iyo waqtigii dalka soo galay sannadkii 1991-kii adeegga biyo-siinta
gaadiidka badda waxa qaban jiray booyado suuqa laga soo dhaamiyo, waayo
dhuumihii loogu talogalay inay gaadiidka biyaha siiyaan may shaqayn jirin.
Haddaba, arrimaha amniga iyo ilaalinta gaadiidka caalamiga ah ee dekedda soo
gala awgeed waxaannu diyaarinay qorshe dib loogu soo nooleeyey qasabadihii
biyaha siin jiray gaadiidka badda, hirgelinta hawshaas oo ay ku baxday fikir iyo
tamar aad u badan kadib waxa noo suurtogashay in laga maarmo booyad suuqa ka soo
dhaamisa oo gaadiidka badda taagan biyo siisa.
Dib-u-noolaynta qasabadaha biyaha waxa xadhigga ka jaray
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi
Ismaaciil (Saylici).
3- Dhammaystirka dhismaha iyo ballaadhinta barxadda dekedda:
Barxadda dekeddu aad bay u kooban tahay marka loo eego baaxadda korodhka ee
ka muuqata badeecadaha ka soo dega iyo dhoofka xoolaha nool, qiyaas ahaanna 20%
xajmi u dhigma ayaa kordha sannadba sannadka ka dambeeya.
Waxa jiray mashruuc qabyo ahaa oo lagu ballaadhinayey barxadda dekedda,
kaasoo ku joogsaday qiyaas ka yar 40%.
Haseyeeshee, go’aan maamulka cusub gaadhay waxa uu hirgeliyey in la
qabyo-tiro dhismaha guud ahaan 99%, waxana noo qorshaysan mustaqbalka in la sii
wado ballaadhinta barxadda oo noqon doonta mid si joogto ah loo wado fikirkeeda
iyo tacab-dhalinteedaba.
Waxa dhammaystirka mashruucan xadhigga ka jaray Madaxweyne-ku-xigeenka
Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
4- Xarunta Caafimaadka (Gargaarka Degdegga ah):
Dekedaha adduunku waa goobaha ugu shilka badan, waxana ka hawlgala kumanaan
qof maalin kasta.
Dekedda Berbera qiyaas ahaan dhawr kun oo qof ayaa gala maalintii ilaa 500
baabuur.
Dhaawaca soo gaadha dadka waxa loola cararaa cusbitaalka magaalada Berbera.
Dhaawacu waxa uu halis gala (dhiig-bax iwm) inta lagu mashquulsan yahay
baabuur qaada iyo diyaarinta qoraallada dhaawac-muujinta.
Dekeddu 24-ka saac way shaqaysaa. Waqti kasta dhaawac ayaa iman kara, iyadoo
ay xaaladdu sidaa tahay ayaa haddana aanay lahayn xarun caafimaad oo lagu
samata-bixiyo dadka ku dhaawacma gudaha dekedda.
Xaaladdaas markii aannu aragnay waxaannu aasaasnay xarun caafimaad gargaar
degdeg ah u fidisa dhaawaca.
Xaruntan waxa ka hawlgalaya kalkaaliyaal caafimaad oo kaltan shaqo oo wareega
gelaya 24-ka saac. La soco…..