Masar iyo Lubnaan Oo Markii U Horaysay Mudo Dhawr iyo Toban Sano ah Si Toosa Xoolo Uga Qaadanaya Marsada Berbera

Berbera-(Berberanews)- Dalalka Masar iyo Lubnaan, ayaa markii u horaysay muddo dhawr iyo toban sano ah si toosa xoolo uga qaadanaya dekedda magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil tan iyo intii xayiraada dalalka Carbeed ku soo rogeen xoolaha Soomaalida.
 
Wefti ka kooban shan xubnood oo isugu jira dhakhaatiir ka socota ururka caafimaadka xoolaha aduunka iyo xubno dalka masar ka socda, ayaa saaka socdaal qiimayn ah ku tegay maxjarka Xoolaha Al-jaabiri ee magaalada Berbera, halkaasoo ay indho indhayn ku sammeeyeen qaybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay.
Weftigan oo uu hoggaaminayay Maareeyaha shirkadda Gulf international ee gacanta ku haysa maxjarka Xoolaha Al-jaabiri ku leeyahay Berbera waxay ujeedada safarkoodu salka ku haysaa indho indhayn iyo qiimayn ay ku sammaynayaan sida uu u shaqeeyo maxjarku iyo qalabka caafimaad ee yaala, waxaanay sheegeen in socdaalkoodu qiimayntu salka ku hayo ogolaansho shirkadda Gulf ka heshay dalalka Masar iyo Lubnaan inay si toosa u tegi karaan xoolaha ka dhoofa Berbera.

Xubnaha weftigani waxay kormeereen qaybaha kala duwan ee Maxjarka sida shaybaadhka iyo goobaha lagu xayndaabyada lagu xareeyo noocyada kala duwan ee xoolaha, waxaanay warbixinno ka dhegaysteen masuulliyiinta maxjarka.
Ganacsade Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo saxaafadda kula hadlay maxjarka, ayaa sheegay in weftigan ayaa sheegay in imaatinka weftigan ay suurtagelisay shirkadda Gulf International islamarkaana ay shirkaddu hirgelisay markii u horraysay muddo toban sanno ah in xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera ay si toosa u tegi doonaan dalalka Masar iyo Lubaan.

 
Fursadan cusub ee xoolaha Somaliland ka heleen dalalkan, ayaa la saadaalinayaa inay wax weyn ka bedeli doonto dhaqdhaqaaqa dhoofka xoolaha oo todobaadyadii u danbeeyay si aan buurnayn uga socday Berbera.
Berberanews.com
Berbera, Somaliland
Email, info@berberanews.com