TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNAYD-VI

Marka toobiyaha [Al wasiilaha] loo adeegsado ka midh dhalilnta himilada[Alqaayaha ama Al-Maqaam Al-Maxmuud] uu maraaro kaa yeesho waa hawl adduunyoo oo subax kastaba la waaberiista waayo cusub; markay talo dal ka muhmuhatana hadal keedba daa. Hoggaan dalna sida shareecada Islaamku sheegtay waxa ugu muhiiimsan in laga dheehan karan labada shardi ee kala ah: Al Kafaa’a [kufkeed ma yahay] iyo Al amaana [ma lagu aaminay]; wixii kale ee soo raacaa labadaa shardi ayey ka farcamay.
 
Sannadkii 1960kii aya 17 dal oo Afrikaan ihi ka madaxbannaanaaden gumeysgi; waxa is dabooli waayey wixii la filayey iyo caqabado la kowsaday xoriyaddii la helay. Waxaynu xasuusankarnaa mushkiladdii Kataanga, Congo Braziville dilkii Lamuumbe; Xeyle Silaasihi Itoobiya oo isna dirqi kaga badbaaday afgambi ciidamadiisu u maleegeen oo ay hormood ka ahaayeen laba nin oo walaalo ah la odhan jirey ilma Niwaay; mustacmaradihii Portuguese kana iyana waxbaa ka higlahaa. Isagoo arrimaha la yaabay ayaa nin majaajiloyahan ahaa oo AHN la odhan jirey Cabdillaahi Cabdi Shube ayaa yidhi:  “Bootaqiiska Angoola, Bilgimkaa Lamuumbe bireeyey, Xayle silaasahan barbarkeena, ikyo teenan Baandadu heyso ayaa dowladaha ugu baxsan”
 
SHIR BEELEED SIYAASADEYSAN

Waxa beryahan dambe dalka Somaliland ku soo badanay shir Beeleedyo isdaba jog ah iyo go’aamo shirarkaa la xidhiidha. Sideedaba wax dhibaato ku jirto ma aha in ay Beeli shir isugu timaado ay kaga arrinsanayso sidii deegaananeeda ugu hirgelinlahayd mashaariic horumarineed sida Malcaamado, Dugsiyo, Haro/Ceelal biyood, wadooyin, gobo dadka ama xoolahaba lagu daweeyo, iyo wax kasta oo Aadamuhu ku intifaaco. Haddii dhinac hagaagsan laga eego oo beesha shireysaa muruq iyo maal waxay lahayd intay meel iskugu geyso ku hirgeliso arrimaha aan hore u soo xusay oy ka midho dhaliso waxay mudantahay ku dayasho.
 
Shirbeeleed marka shaadh siyaasadeed loo tolo ee madax dhaqmeedkii lagu yiqiin dheminta dhibaatooyinka bulshooyinka deriska ka dhex aloosma, ay hormood ka noqdaan shirarka noocan ah. Marka hore waxay sharaftii iyo karaamadiiba ka xayuubiyeen meeqaamkii uu madax dhaqmeedku bulshada ku lahaa, . Waa tan labaade meesha ma taalo lamana aqbalikaro in beel isu dhigaysa afhayeenkii xukuumadu in ay ku baaqdo shir beeleed lama qaban karo. Marka ay arrimaha noocan ihi soo shaac baxaan, xukuumadda talada dalka heysa ayey maareynteedu u taala. Ummaddu dawlad ayey taladeedii ku aamintay sidaa darted xukuumadda ayey go’aan qaadashadu u taal.
 
Shir Beeleed siyaasadeysan iyo hadalada qaabkaa qaldan looga dhawaajinayo ayaa sababi kara kala shaki iyo tafaraaruq ummada la dhex dhigo oo tacabkii labaatanka sannadood aynu soo yagleelayneyna bar ku ma taal noqdo. Somaliland maanta uma baahna arrimihii aynu hore uga soo gudubnay.
 
HANTIDA QARANKA

Noocay doontaba han noqote hantida Qaranka sugideedu waxa u xil saaraan hadba xukuumadda talada dalka heysa. Hadiiba ay dhacday in dad danyar ihi ku noolaayeen guryo dawladeed muddo labaatan sannadood ka badan, waxa qumanaydan in asluub debecsan lagu maamulo, dadkana laga dhaadhiciyo in gobo kale loo rarayo. Waxa haboonayd in muddo loo qabto ay ku diyaar garoobaan; ma quruxbadna in hiirta waaberi guluf iyo weerar ciidamadu ku qaadaan, ka dibna cagaf la mariyo buulashoodii iyo wixii agab u hoos yaalay. Hadiiba ay dadkii gadoodeen waxay ahayd in si degan xiisadda loo maareeyoe’ in rasaas ooda lagaga rogay wax faa’iido ah ma soo kordhin aan ka ahayn sawirka gabadha Ayaan Saleebaan Cali-Boobe ee dhiigu madaxa ka shubmayo ka dib markay rassaas ambad ihi haleeshay sida warbaahintu sheegtay. Sawirkaasi dalka wuxu u soo jiiday magac xumo hor leh, maxaa yeelay wuxu ka turjumayaa in aynu nahay dal aan xuquuqda muwaadiniinta daryeelin sida ay jecelyihiin cadawga Somaliland.
 
Waxa dhacdadan ka sii horeysey dhowr maalmood in wiil dhalinyaro ihi isna ku nafwaayey iska hor imaad dhul ku yaal xaafada New Hargeisa. Xisbiga Kulmiye xiliguu mucaaridka ahaa dhacdooyinka noocan ah aad ayuu uga qeylin jirey, iisaga oo marar badana soo abaabuli jirey iska hor imaadyada oo aynu tusaale ahaan u soo qaadan karno tii Bishii September 12, 2009 ee labada qof ku dhinteen iyadoo habeenimadii Bisha 11 September khilaafkii aloosna la soo afjaray. Madaxdii Kulmiye maalinta waa kuwii yidhi “GUUL AYAA SOMALILAND U SOO HOYATAY!”

SHARCIGA MA DANYARTUU QABTAA

Sideedaba hantida qaranku waa hantidii ummadda oo waxa inagu waajib ah in la sugu. Xeerarka iyo qawaaniinta dalkuna waa in loo sinnaada. Waxa jira mujaahidiin dalka u soo halgamay oo iyaga oo xiskoodu dhimanyahay wadooyinka hadba dhinac u socda. Waxa jira dad hanti maguurto ah oo qaranku lahaa xalaalaystey oo qaarkoodna kuwii ku jirey iibiyeen. Inta danyarta lagu dalbanayo duubcasta, maxa kuwa dhaqaale ahaan u manaafacadsaday hantidii ummadda u dhex ahayd wax looga qaban waayey?
Sheekadani ma ah mid hanti qaran lagu tiro koobayo oo waxa laga damacsanyay dhulkaa masaakiinta laga raray ninkii nooli maalin dhow ayuu ogaandoona.

XADHIGA BOQOR CISMAAN AW MAXAMUUD ‘BUURMADOW’
 
Waxa kale oo warbaahinta Somaliland shaacisay maalintii jimcii Bishan July 15, 2011 in  la filayey in uu ka soo dego Boqor Cismaan Aw Maxamuud “Buur Madow” xukuumadduna Ciidan Tikniko ah sii dhoobtay Madaarka. Haddiiba xuuraankii sirdoonku soo ogaaday guryownoqoshada Boqorka, waxa qurux badnayd in si kale loo maamulo. Waxa keliya meesha ka muuqdaa waa waayo aragnimo la’aanta iyo aqoondarida xubnaha xukuumadda maanta talada dalka heysa oo gebi ahaanba waxqabadkeedii ummaddu waji gabax ka joogto. Ragga maanta xukuumadda Kulmiye hormooda ka ihi waa awtaadii curyaamis dowladdii AHN Cabdiraxmaan Axmed Cali; waa kuwii aynu ogeyn xukuumaddi AHN Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sida u fashilin lahaayeen; waxa xukuumadda Kulmiye shookaanta u haya ninkii subaxii, AHN Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal lagu soo oogay khiyaamo Qaran iyo xil ka xayuubin, 4:30 a.m. magaalada Hargeysa ka jarmaaday! Jihaduu u jarmaaday iyo ujeedadii ka dambeyseyba darxumooyinka dambe ka akhrista. Taariikhdu wey isqoreysaa, waxna dhaafi mayso. Ya tiraba laba jeer  xukuumaddii Madaxweyne Riyaale  xilka xayuubin ku soo oogay?
 
Miyaanay xukuumadda Kulmiye ogeyn in madax dhaqmeedkan ahayn nin dibadaha wareegidoona oo dalkiisa xadhig iyo wax la mid ah uga cabsood? XUKUUMADDII KULMIYE WAXAY NOQOTAY: DAMEERKII JUXA EE CIDDII HORMARTANA QANINIINYO IYO HIRDI LA BEEGSAN JIREY, CIDDII DABA MARTANA HARRAATI IYO BIQLO ISUGU DARI JIREY.

La soco darxumada VII,
 
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse