Dad Qaba Cudurka Kansarka Oo Markii Ugu Horeysal Lagu Beeray Unugyo Macmal Ah.

Caafimaadka-(Berberanews)-nDadka qaba cudurka dilaaga ah ee cancer-ka ayaa markii ugu horeysay
helay arin caafimaad rajo  ku abuuri karta kuna saabsan cudurka ay  la
ildaran yihiin ee Cancer-ka.
*Waxa dhawaan  lagu guulaysta in loo sameeyo xubno macmal ah oo lagu
badalayo xubnahoodii  hore ee uu dishooday cudurka Cancer-ku. Jaamacada
Karolinska University  cisbitaal ku yaal ayaan markii ugu horeysay laga
hirgaliyay arintan sida ay kusoo warantay wakalada wararka ee AFP.
Khubarada xaga qaliinka ayaa markii ugu horeysay sameeyay unugyo lagu
koriyay laboratory oo la sheegay in ay badal u noqon karaan xubnaha uu
dishoosay cudurka dilaaga ah ee Cancer-ku. Xunbaha lagu badali karo
unugyadan waxa kamid ah dhuunta dheer ee hawada laga qaato (Hunguriga).
Arintan ayaa markii ugu horeysay lagu tijaabiyay nin  36-jir ah waxana
lagu abuuray unugyo koraya oo badal u  noqoya kuwiisii hore. Arinta
cajiibka ah ayaa waxa fududeeyay dhakhtar la yidhaa Scaffold oo u
dhashay dalka Ingiriiska.
Profisor  Seifalian oo ka hadlaya arintan cajiibka ah ee lagu
guulaystay ayaa waxa uu yidhi: “Waa habab cusub oo la hirgaliyay waan
markii  ugu horeysa ee la hindiso in la saameeyo urugyo badal u noqon
kara xubnaha jidhka sida tuunbada hawada ee Hunguriga, waana lagu
guulaystay in lagu beero meeshii unuga loogu talogalay, waana muhiim.
Waana arin u bartilmaameed ah dib u habaynta daawooyinka . waxa kale oo
intaa kusii daray hadalkiisa Profesorku waxan rajaynaynaa in ay noqon
doonto arintani mid farxad  abuuri doonta.”
Arintan ayaa sida uu rajeeyay dhakhtarku waxa ay noqon doontaa mid ay
ku diirsadaan dadka  la ildaran cudurkan dilaaga ah ee Cancer-ka.
 
Sources, Xogta