Madaweynaha iyo Raysal-wasaaraha Dalka Yemen Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Xooagaga Qabaa’ilku U Geysteen Madaxtooyadda

Yemen-(Berberanews)- Wararka ka imanaya magaalada Sanca, ayaa daboolka ka qaaday in Madaxweynihii dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo Raysal-wasaarahihiisa Cali Maxamed ku dhaawacmeen duqayn garnaylo loo adeegsaday oo xoogaga ku kacsan dawladu ku weerareen masaajid ku yaal madaxtooyadda oo ay sallaadii Jimacaha ku tukanayeen.
Waxa kale oo wararku sheegeen in weerarka uu dhaawacmay Guddoomiyihii baarlamaanka, waxaana Duqaynta loo geystay Madaxtooyadda ku dhaawacmay affar ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Saalax.
 
Saraakiil ka tirsan ammaanka dalka Yemen waxay wakaallada wararka AFP u xaqiijiyeen jiritaanka dhaawaca soo gaadhay madaxweynihii iyo Raysal-wasaarahiisa, inkastoo telefiishanka qaranka Yemen laga weriyey in xaalada madaxweynuhu fiicantahay oo uu si dhakhso ah ula hadli karo shacabka.
Weerarkan layaa la sheegay inay ka danbeeyeen qabiilka Axmaar ee sida weyn uga soo horjeeda xukunka Madaxweyne Saalax, kuwaasoo dagaalo xoog leh maanta jimcihii la galay ciidammada daacada u ah dawladda.