Madaxa Xanaanada Dhexe ee Hargeysa oo Aanu Ka Waraysanay Adeegyada ay u Qabtaan Hooyada iyo Dhalaanka

Wariye : Yoonis Maxamed X. Jaamac /Hargeysa
Madaxa Xanaanada Dhexe ee Hargeysa, oo loogu magacdaray   ama loo yaqaano Dhakhtar Khaalid MCH, Marwo Aamina C/qaadir C/raxmaan, ayaa ka xogwarantay  adeegyada ay u fidiyaan dhalaanka iyo Hooyada Uurka Leh, iyo waliba qaybaha kala duwan ee  ay ka kooban tahay xaruntani.
Marwo Aamina waxa ay sheegtay in aanay wax dhaqaalaha ah ka helin hay’adaha samafalka dalka ee ka hawlgala, iyo ururada maxaliga ah doona, balse ay leeyihiin sanduuq dhaqaale oo ay ku wadaan gargaarka ay u fidiyaan hooyada tabaalaysan iyo dhalaanka.
Marwo Aamina waxa ay sidaasi ku sheegtay, waraysi aanu kula yeelanay bogga shifo ee wargeyska DAWAN waxaanay ugu horeyn  sharaxaad ka bixisay qaybaha ay ka kooban tahay xaruntooda ama qaabka ay u shaqeeyaan iyo waliba  adeega iyo daryeelka ay u fidiyaan bulshada gaar ahaan hooyada iyo carruurta  shan sanno ka yar.
Aamina C/qaadir C/raxmaan waxay ka warantay qaybaha xarunta ka kooban tahay  oo ay ku sheegtay  Marwo Aamina ay tahay dhowr qaybood, qaybta koowaad oo ah meesha lagu baadho laguna daweeyo Hooyada uurka leh, qaybta labaad oo ah miisaanka carruurta lagu miisaamo lagula socdana bilba inta ku korodha, qaybta saddexaad oo ah  xafiis lagu qabto Hooyada uurka leh oo lagu diiwaangeliyo  4aad: oo ah dadka waaweyn lagu daaweeyo. qaybta shanaad oo meesha caruurta caafimaadkooda lagu baadho (Under five) qaybta lixaad oo ah talaalka oo hooyada iyo carruurtaba lagu talaalo, qaybta ugu dambeysa oo ah Pharmacy dawada aan ku keydsanno, waxaanay hadalkeedii ku bilowday sidan:
“Xaruntan caafimaad ee dhakhtar Khaalid MCH, hore  loo odhan jirey MCh ama xanaanada dhexe ee Hargeysa,waxay ka kooban tahay toddoba qaybood.
1) Meesha lagu baadho ama lagu daweeyo hooyada uurka leh.
2) Miisaanka carruurta lagu miisaamo si loola socdo bil kasta waxa u kordha laguna ogaan karo heerka  nafaqada ilmaha, halka ay mareyso, iyo waliba heerka caafimaad ee ilmaha.
3) Xafiis lagu qabto 500 Sh.SL (Fee collection) oo  laga qaado hooyada si loogu diiwaangeliyo.
4) Qaybtaq oo ah qayb dadka waaweyn lagu daweeyo.
5) Qaybtan shanaad oo ah meesha carruurta shan jirka ah ama ka yar lagu baadho laguna daweeyo xaaladooda caafimaad.
6) Qaybtan lixaad oo ah meesha qaabilsan talaalka dhalaanka iyo hooyadaba lagu talaalo.
7) Pharmacy  aan dhigano ama ku keydino dawaeda, Marwo Aamina C/qaadir mar ay ka jawaabaysay su’aal ahayd waxa ay u qabtaan ama sida ay u daweeyaan hooyada uurka leh iyo mark ay dhasho ka dib, iyo talooyinka ay siiyaan waxay kujawaabtay “Koleyba gabadhu marka ay uur yeelato, waxay la kulantaa mashaakil uu sababo uurka” xaaladan cusub haba u badnaadaan gabdha ugubka ah, waxay hooyadu la kulantaa waxaanay horeu arki jirin, markaa waxaanu hooyada u sheegnaa in xaaladan ay dabiici tahay oo uu uurku wato, waxaanu kale oo kula talinaa hooyada uurka leh inay qaadato cunto dheelitiran oo ay nafaqo ka heli karto, waxaan kale oo siinaa kaniinada hemoglobeenka oo wax ka tart “anemia” nafaqada iyo Ironka oo  u wanaagsan hooyada inta ay uurka leedahay, wax kale oo aan ku waaninaa naasnuujinta, waxa kale oo aanu ku waaninaa inta hooyada ay uurka leedahay inay dhameystirato talaalkeeda, marka ay dhashana afartan baxa ka dibna ay noo keento ilmaheeda, si aanu uga talaalno lixda cudur ee dilaaga ah.
Waxa kae oo jirta in hooyooyinka xanuunka qaba oo aanu waanino ama la-talino  sida ay u wanaagsan tahay in dhakhtarada la socdaan, waxa dhici karta hooyo macaan qabta inay noo timaado, waxa dhici karta hooyo HIV/AIDS qabta iany noo timaado, hooyo qaliin hore soo martay in aanay guriga ku dhalin xilliga fooshana ay tagto dhakhtarka si ay khataro badan uga baaqsato. Waxa kale oo Aamina C/Qaadir ay sheegtay wax taageero ah in aanay ka helin Hay’adaha ee ay sanduuq leeyihiin ay ka gargaaraan hooyada tabaalaysan kolba inntii awoodooda ah. Waxa kale oo ay sheegtay marwo  Aamina  xanuunkii jadeecada ee magaalada ka jirey inuu yaraaday 90%, xanuunka ugu badan   carruurta ka daweeyaana uu yahay “dhaxanta” sababtuna ay tahay kalal wareega xilliyada.
 
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com