Dhanxiir; waxaad ka warantaa waatan TOTAL la eryaye tallaw yaa booskeedii geli doonaa, Ma waxa loogu…

Maansha Allaah, Alleylehe hanti-dhawrkii Guud ee Qaranku shaqo fiican buu hayaa, kaalay arag sida maraqooda loo cabay qolooyinkii ku mamay hantida ummadda ka dhexaysa ee min Gabiley ilaa Burco xabsiyada loogu guray. Dadkiina yididiilo ayaaba gashay oo in sharciga loo siman yahay ayaa muuqday, ta kale qolooyinkan xamaasad abuurka ee dumarka iyo carruurta kula dhex wareegaya tolaay iyo reerkeenii baa la eryayaanaa yaa u sheega in reernimo beri hore laga baxay oo qaran la noqday, ka qabyaalad ku meeraysanayana malaha dhinaansho ayuu tirsanayaa oo qabiilka ayuu xiniinyo bidayaa, mise qudhoodaaba u baahan in la baadho oo xoolo dadweyne ayaa ka dhex ciyaya. 
 
Weger, Adeer; Hanti-dhawrka qudhiisa ayaaba isna u baahan in la baadho oo kalkulaytar la daba qaatee, waxaad ka warantaa waatan TOTAL la eryaye tallaw yaa booskeedii geli doonaa oo shidaalka dalka lagu aamini doonaa, mise tallow qolooyin dawladda cod ku lahaa oo qaan tirsanaya ayaa abaalgud loo siin doonaa, ta kale shaqaalihii meesha joogay xaqooqiidii yaa u doonaya, macal kuwii dhibaatadu ka soo gaadhay suntii dayactirka haamaha ayaaba ilaa hadda cabashadoodu taagan tahay oo aan wax loo qaban.