XUSUUSTII MUJ. WAGAR 27MAY 1988 SNM Iyo BURCO

Waxaan marka hore u Ducaynaynaa Dhamaan Mujaahidiintii ku shahiiday halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreyeey,Waxaa ay maanta ahayd  27May maalintii Xoogagii SNM ee mujaahidiinta ahaa si foolka fool ahayd ugu babac-dhigaan Ciidamaddii Faqashta ee laxaadka lahaa ee Gobolada Waqooyi (Qaybta 26,aad),iminkana Somaliland ah , ayna soo  galeen Magaalada Burco oo ahayd magaaladii 2aad Dalkan,waana goobtii u horeysay ee ciidamadii Ururka SNM ay si  miidaamo leh isugu soo tuuraan,islamarkaana adhaxda ka jebiyaan  ciidamadii Faqashta (dawladii Siyaad  Bare) waana Maalin Somaliland oo Dhan Tariikhda ugu Suntan .
 


Hadaba 27May 1988 oo ahayd maalin jimco ah hadaan u soo daadego qiimaha ay leedahay waxay ku timi ka dib markii Heshiis ay gadheen Labadii  keliye Taliyayaal ee Mengistihii Itoobiya  iyo Siyaad Barrihii Somaliya ayna ku heshiyeen Qodobo dhowra lakiin qodob khusaynaayey SNM ayaa dhigaayey in mujaahidiintaa SNM loo gacan-geliyo Siyaad Bare Itoobiyana ka joojiyaan Tageerada ay siiyaan, Taas oo keentay inay Hogaankii SNM go,aan ku gadhaan  inay gudaha u galaan dalkoodii si ay ugu madha-dhaliyaan hadafkoodii iyo ujeedadii ay u dagaalamayeen oo ahayd Guul ama Geerri.
Ururka SNM ayaa la dagaalamay Talis Dhiigyo cab ah oo aan waxba ka xishoonayn waxna ka dhowrasanayn, Markii April 1988  ay gadheen heshiiskaasi labadii keliye Taliyayaal ayey SNM halkay dooranlahayd inay isdhiiibo ama dulinimo ay ku jiraan dadkoodu,  taas oo qaran jab ku noqon lahayd ayey waxay doorteen May 1988, inay amar ku helaan oo ay Ciidamadii SNM gudaha u galaan wadanka,  si dulmiga looga dulqaado dadka, loona badbaadiyo nolosha dadka oo ay xoriyad , sharaf iyo cisiba ay ugu noolaadaan .
 
Waxay ahayd xili murugo badan oo cabsi iyo werwer badana jirey , qofkastaana Maankiisa ka lahaa TOLOW MAXAY NOQON DOONTAA, taas ayaa niyada lagu hayey ilaahay baana Talo la saartay , Jabkii weynaa ee loo geystay Faqashtii kamay soo kicin waana ta dhalisay Guushii Somaliland , hadaba maalintaa 27may88 ayaa ahayd maalin Taariikhdii halganka SNM ku xardhan kuna Suntan, iyadoo ay tageerayaan SNM dadweyanaha Burco ayey afka ciida u dareen nidaamkii cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey shacaybka ,Cutubyo ka mida mujaahidiinta SNM ayaa ku waabariisteen guud ahaan Magaalada Burco ,Iyadoo Niyadoodu ay aad u Heer-sareysay , waxay SNM u soo badhedheen Ciidan Awood badan sheegta, Isla-markaana Kumanaan ciidamo ay ugu taxnaayeen  Jiidaha iyo Gudaha G/Togdheer.
 
Golufkaasi dagaal ayaa Faqashta ku noqotay layaab iyo Amakaag , Maalintaasi ayaa noqotay maalintii la ogaaday awooda weyn ee SNM , caalamkuna qiray Siyaasad ahaan in ay yihiin Quwad aad u xoog badan oo dadkoodu ay aad u tageersanyihiin, oo aan cidina is hortaagi kareyn, waxii dhacayna waa la ogaa, Hadaba maalintaa Mujaahidiinta wacdaraha ka dhigay Magaalada Burco waxaa ka mid ahaa Mujaahid , Maxamud Salebaan Axmed(Wagar) .
Mujaahid Wagar ayaa ka waramaya sidii ay wax u dhaceen iyo weliba sidii ay ku soo galeen Magaalo madaxda G/Tog-Dheer Burco  iyo waxii dhacay Berigaa …
 
Mujaahid Wagar ayaan ka wareystay oo Aniga oo ah Adan Yusuf Cilmi wuxuuna ku bilaabay hadalkisii :- Anigoo ah Muj, Maxamud Salebaan Axmed(Wagar) oo iminka degan B,ham UK, waxaan ka xasuustaa 27May1988, inaan halkan ku soo gudbiyo qayb yar oo ka mida taariikhdii SNM ee 27May1988 ama waxii ay xasuustaydu tahay ,iyadoo la wada ogyahay oo haddii lays yidhaahdo halgankii ka sheekeeya ay tahay cajalad aan dhamaanayn, Hadaba markaan hadlo maalintaas 27may waxay ahayd maalin taariikh ah,waana maalin u baahan in marka kasta ay xasuusato umadu Somaliland ku jirto.
Anigu waxaan ka mid ahaa Mujaahidiintii maalintaas Burco soo galay kana tirsaanaa Ururkii la odhan jirey Urur 3aad, hadaba markii la doonayey in dalka la galo ayaa SNM waxaa la dhigay(ama loo qaybiyey) Lab Aag oo kala ah Makka Iyo Madiina .,Ciidankii Burco soo galay waxaa Taliye noo ahaa  Mujaahid Axmed Mire Maxamed, halkaTaliye ku xigeen uu ahaa Mujaahid Marxuun Adan Salebaan (Ma-gubte) waxaanu ahayn 4 qaybood 1aad, 3aad ,Alla-Aamin iyo Tawakal.
Markii hore waxaanu ka sooo dhaqaaqnay Khamiis 26/05/88 meesha la yidhaahdo Samatar Axmed waxaanu ku tukunay salaaddii Maqrib Kurta-dhegoole ama balliga Garboole (una dhexeeya Xalxalis iyo Samatar-Axmed) , iyadoo maalintaas oo dhan lagu jirey Cibaadeysi iyo Alle barri , markii aanu soo dhaqaaqnay waxay ahayd Salaaddii maqrib ka-dib ,iyadoo ducadaas ka dib ninkasta(Mujaahid kasta) ay qoriga liifkiisa(caaradiisa) noogu xidhay Sh,Yuusuf Dubad warqad ay ku qorantahay Aayad Quraana waanu weyso qabay Mujaahid kastaaba,  waxaanu ahayn niman Geeri isu diyaariyey oo isa soo gunaanaday oo naxdin goo,yey,waxaana isbarbar yaalay farxad iyo naxdin.
Waxaanu xusuustaa in Mujaahidiintu uu ninkastaaba rasaas uu haystay ahayd Qasnada ugu taagnayd Qoriga oo keliya ,meel kale oo aanu rasaas ka sugaynay ma jirin iyo gurmad kale toona waxaanu aanu ku talo galnay rasaasta faqashtu haysto, waxaanu su,aasha aanu ku soo talo galnay ahayd, sidee baynu rasaas ku heli karnaa ? waxaana aanu isla qaadanay in ay rasaas iyo shidaalba ay inoo yihiin kuwa ay cadowgu hayaan ee Burco yaala ,inaanu ku talo galno taas ayaanu ku dhaqaaqnay oo aanu kaga dhabaynay .
 
Waxaanu dib isugu habaynay Tuulada Xuduuda ah oo ka tirsan Magaalada Burco , waxaanu ka galnay xuduuda Sibidhley, waxaana aanu sii marnay sida Dhoqoshay, jamac-qabar iwm,
Waxaanu soo raacnay wadada dheer ee Burco soo qabata, hadaba marki ay ahayd saacadu ahayd Qiyaastii 11.00PM – 11.30PM Habeenimo kuna sii jeedno Burco ayaa Tuulada Xaydh-Ducato meel aan sidaasi ugu dheerayn , waxaa noo galay ama aanu isku-haleelnay ciidan watay Bee_Beeyo oo faqashtii dalka haystay ahaa Ciidankaasi waxaa laga soo direy Tuulada Qorilugud la yidhaahdo , aad ayey noola dagaalameen lakiin iyadoo baabuurtii aanan ka degin ayaanu Jebinay waayo waxaanu ku soconay wax ka weyn, dagaal aad u qadhaadh ku ka-dib waanu jiidhnay faqashtii, anagaan doonayn inaan awoodayda ku-wada isticmaalno oo qorshahayga ayaa wax ka bedelmaaya haddii aan sidaas isticmaalno, waxaanu ku ku dagaalanay sarajooga, waxaa naga dhaawacmay Mujaahid Dayax la odhan jirey, waxaa kaloo madaafiic nagaga soo garaaceen Qorilugud iyo Waraabeeye.
 
Salaadii subax 27/05/88 oo jimce ahayd ayaanu ku Tukunay Duleedka Burco,Waxaanu soo gaadhnay qoraxdii arooryo, gamuca goodiga Burco ama kaantaroolka hawdka(Dhaanka bariga)kuna dhawayd xeradda koofiyad-casta, oo aanu magaalada ka soo galnay dhinaca faras-kabood waxaa marlabaad na qabsaday jid-gooyo 2aad, askartii faqashta ee ugu horeysay ee aanu ku bilownay Burco waxay ahayd Faqash baadhanaysay Dad reer Miyi oo aanu si kedisa ula kulanay iyagoo dadkii reer-miyiga ahaa Qoryo ku haya markii aanu kuwaa ka takhalusnay ,waxaanu isla markiiba u galnay Ciidankii Darawiishta oo lagu Diyaariyey Meesha Faras-kabood la yidhaahdo oo hub badan oo Anti-AirGraf ku hubaysnaa , rasaastii ay nagu bilaabeen waxay dhaawacday dhowr-nin,mar labaad gawaadhida kamaanu degin,waxaa noo suurta gashay inaanu Daqiiqado gudahood  ciidankii ku jebinay , si aanu helno keydka dagaalka iyo saadka ,ujeedadayda aanu u soconay ayaa ahayd meelaha saldhigyada ciidanka ee weliba keydku yaalo, waxaanu aanu abaaraynay meesha Saadkoodu yaalo oo aanu ogeyn ee ay yalaan Shidaalka, Rasaasta, iyo Sarakiisha Talisku joogo , keydkii dagaalkii iyo saadkii way noo suurta-gashay saacado gudahood.
 
7:00 Subaxnimo Jimce,27May 1988 ayaanu isku galaabixinay Burco,waxay ahayd maalin ay fasax ku jiraan ciidanka cadowgu,oo faa,iido badan noo keentay ,iyadoo ciidankayagu ahaa Qiyaastii in ka badan 1500 Mujaahid oo aad u hubaysan, isla-markaana ay qariyeen siigaddii iyo boodhkii casaa ee dhulkii balaadhnaa ee hawdka ahaa ee aanu soo jeexnay iyo weliba soo-jeed badan , waxaanu wadanay Qiyaastii 37gadiid oo 22tikniko tahay , waxaanu ahayn niman Niyad Birana Sita, iyadoo oo aanu ku soo talo galnay tageerada dadweynahayaga Burco oo iyagu guusha soo dedejiyey , dadka burco waxaa cajiib ku noqotay Mujaahidiintii SNM oo ay si aan gabasho lahayn isku arkeen cidhifyada magaalada, isla-markaana damashaad, mashxarad iyo soo dhoweyn aan la qiyaasi karin aanu kala kulanay, waxaana soo afmeertay xantii ahayd in ay Snm mar uun soo galayso,waxaa aanu isu-qaybinay dhowr aag , 1.aagga Xeradda-Gooncad 2.xerada gaaska ,Hangashta, killaha iyo airportka(Garoonka diyaaradaha). 3.qaybta Booliska G/Togdheer., jeelka weyn, nabad-sugidda. 4. Saldhiga dhexe Burco.
Dagaalka ugu xumaa waxuu dhacay qaybta xeryaha mileteriga gaar ahaana Garoonka Diyaaradaha (Airport )oo ahaa meeshii ugu adkayd dhulka banaan ayuu ahaa , aan lahayn meel lagu gabado, Sarkaalkii u horeeyey ilaahay haw naxariistee ee nagaga shahiiday goobtaa waxuu ahaa Abaanduulihii , waxaan kaloo xusuustaa dagaalkaasi ka dhacay Garoonka Diyaaradaha uu ahaa dagaal weyn oo ay naga dhinteen Mujaahidiin badan oo uu ku jiro sarkaalkaas caanka ahaa , Mujaahid Marxuun, Ibraahim Jaamac Dhiif (Hayliqin) iyo 43 Shahiid oo kale.
Isla markiiba waxaanu hore u galnay Magaaladii , markii aanu jebinay Ciidankaasi waxaanu galnay dagaal aad weyn oo lagu riiqmay Mujaahid Axmed Mire Maxamed ayaa ahaa Mujaahid labaad ee naga dhaawacmay Markaas ayaa Adan Salebaan (Ma-Gubte) ayaa noqday Taliyihii Ciidanka,  halka Xasan Cali Abokor noqday Taliye Ku-Xigeenkii Ciidanka, dagaalku gelinkii hore waxa uu ahaa Qubane, lakiin waxaan xasuustaa galabnimaddii waxaanu ku kulanay Xeradii Gooncad oo ahayd taliskayaga , waxaan xasuustaa ciidanka cadowgu waxay noo haysteen , ciidan magaalada arbushaaya (Ku-dhufoo ka dhaqaaq),ka-dibna noqonaya  , sidii qaacidadayadii hore ahayd, Burco oo dhan way dhaqaaqday, magaaladuna waxay wada noqotay wada SNM, dagaal kale oo balaadhnaa waxa uu dhacay galinkii danbe, saacado gudahood waanu jebinay weerarkoodii oo dhan.
Waxaa iyaguna Gaaska u daatay ciidan xagga sare kaga yimi, isagoo gudaha taliyahoodii Cadceed (Taliyihii Gaaska 3aad,Qayb-diid) ku feylinaya ayaa weererkii ku qabsaday dhamaana waxba kama bixin, ciidankaa gaaska u daatay waxaan ka xasuustaa mujaahidiinta ka nool Muj, Muuse Buuxsade, Saldhiga dhexe ciidan badan oo ku dhexjiray ayaa ku dagaalamay, taliyahoodii firdhadkiisii iyo gaadhigiisiiba waxaa laga helay goolada Berbera ee u dhexeysa iskuulada Sii,da iyo Sh,yusuf Alkownayn halkaas oo lagu dilay Captain Faalso, baaqigoodiina waanu qabanay intii ku hadhay saldhiga, keyd badan huba ayaanu ka helnay saldhigaasi dhexe ee burco, jeelka markii aanu qabsanay maxaabiis badan ayaanu ka sii daynay, xeradda gooncad markii aanu qabsanay waxay noo noqotay taliska SNM ee burco iyo maxkamada lagu xukumo dadka maxaabiista si loo sii daayo waxii danbi lagu waayo, kii kalena danbigiisa loogu qaado.
Waxaan kaloo xusuustaa maalintaas saraakiil badan oo meesha maraysay oo aan ka xasuusto Mujaahidiintii ,Ina Macalin Haruun Waxaa isagu aan Xasuustaa oo isaguna galay Cadaadley Mujaahid Marxuun Maxamed Cali oo isagu halkaa hubkii yaalay iyo saanadii Faqashta la wareegay oo ahayd meeshii cadowga aad u deganaa lagana baqaayey inay dhabarjebin ku sameyso Burco Iyo Hargeysa, Mujaahid Marxuun Maxamed Cali ayaa markii uu soo jebiyey Ciidankii faqashta ahaa ee cadaadley, isagoo wata Tiknakaddii Madafiicdii iyo Babuurtii uu ka soo furtay Dhamaan xeraddii Cadaadley ayuu soo galay Magaalada Burco ,taas xoog weyn oo ku soo biiriyey Ciidamaddii SNM ee Burco oo awood weyn u soo korodhay ,,,, Ilaahay haw naxariisto ,,, Marxuun Maxamed Cali .
Jimco-Raac:-waxuu ahaa magac ku baxay maalintaa mujaadiintu Burco soo galeen, dadkii shacabka ahaa ee nagu soo biiray, waxaanay ahayeen ciidan ilaahay soo diray, meelkasta oo dagaal ka dhaco, ciidan ayaa naga raaci-jirey shiciba oo dardartiisa qaba, isla-markaana xiiso dagaal qaba.
Wuxuu ku gebegebeeyey Mujaahidku in ay Guul inoo tahay in maanta gobinimadaa aan haysanaa ay ku timi halgankaa lagu guuleystay ,Geesiyaal badani ay naftooda u Hureen, iyadoo maanta laga joogo 23 sanadood markii halgankaa hubaysani ka bilaabmay dalka , wixii dhacayna umada wixii caqli qabay ee dalka ku sugnaa markhaati ayuu ka ahaa ,wixii dhacayay hadii uu halganka ku jiray iyo haddii uu ka soo horjeedayba maahana mid la-dafiri karo in umada reer Somaliland xasuuq iyo dabargoyn lagula kacay.
Ubadkii habeenkaasi dhashay maanta waa Sadex iyo labaatan (23)  jir intooda nooli waxaana isweydiin mudan maxay ka ogyihiin wixii dalka ka dhacay ama xaaladihii lala soo maray markii ay maalin wiig ama bilba ay jireen, ma ogyihiin in cadaw guryahoodii diyaaraddo iyo madaaficii ku weeraray kana qaxiyay, ma ogyihiin qaarbadan oo ka mid aha ubadkaa 23 jirsaday oo aan nasiib u yeelan inay arkaan waalidkood in faqash xasuuqday mase ogyihiin guud ahaanba halgankii dib loogu xoreeyay dalkeena aynu wada jecelnahay ee Somaliland.
Waxaan ku soo gebabaynayaa una Ducaynaynaa Dhamaan Mujaahidiintii SNM ku shahiiday halgankii qiimaha lahaa ee dalkan lagu xoreyeey oo dhan MAY 1988, iyadoo ay ka soo wareegtay Maanta sanadguuraddii 23aad, waxanaan leeyahay Gobanimada Somaliland waxa lagu waraabiyey dhiig ,waxaa u lee,day Geesiyaal, sidoo kale Waxaa u ogoomoobay Ubad badan, waqtigaas ayaa ahaa mid markii hore werwer iyo naxdin ku sameeyey dadweynihii SNM oo heshiiskii Mingiste iyo Siyaad barre inuu waxyeelo gaadhsiinaayo halgankii SNM lakiin waqti yar dabadeed taasu waxay dhalisay in Gudagalkii SNM farxad aad u weyn ku noqday Shacabkii Balaadhnaa ee Gudaha Iyo debadda Joogay markii ay Geesiyaasha SNM gudaha isugu Shubeen dhulkoodu si ay cadowga uga Xoreyaan Taasoo go,aankoodu ahaa Geerri iyo Gobanimo.
ugu danbayn waxaa ay  bisha May ku xardhantahay kuna Suntantahay Taariikhda Somaliland, Iyadoo Geesiyaashii SNM oo ay tageerayaan dadweyanuhu ayey afka ciida u dareen nidaamkii cadaadiska iyo cabudhinta ku hayey shacaybka , Cutubyo ka mida mujaahidiinta SNM ayaa ku waabariisteen guud Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.
Arintaas ayaa waxay Bog cusub u furtay Taariikhda Geeska Africa iyadoo Siyaasaddii wax ka bedeshay Mandaqada , Geesiyadii Maalintaasi  soo galay kumay tala gelin inay noolaadaan oo iyagu ka  faa,ideystaan midhaha Halganka laakiin waxa hadafkoodu ahaa  inay umaddooda xoreeyaan si jiilka  soo socdaa u helo xornimo buuxda iyo Nolol Wanaagsan.
 
Runtii Waxay muujiyeen geesinimo aad u Badan, oo ay dalkooda iyo dadkooda jecel yihiin ,kuna  doonayeen Cadaalad , Nabad iyo mabda’ adayg, waxaa loo baahan yahay in Taariikhdaa qaaliga la ilaaliyo ,lagana faaideysto waxna laga barto lagana dhigo mid la-kala dhaxlo, Mujaahidiintii SNM intii  noolna waxaan leeyahay ‘la shukri Calaa Waajib’ waxaad u Naftiina u hurteen dadkiinii iyo dalkiinii waxaana aad mudantihiin milgo maamuus iyo sharaf midhaheediina maanta waa Somaliland.
Intii shahiidayna illaahay ha u naxariisto oo janaddii fardowsa ha ka waraabiyo.
Shacaybkeenii Qiimaha lahaa ee  hiil iyo hooba nala garab taagnaana, waxaan leeyahay waxaad Gudateen waajibkiinii  wixii naf iyo maal lagu waayeyna illaahay wax khayr qab ha idiinku bedelo.
Aniga oo ah Adan Yusuf , waxa aan idiin soo raaciyey sawiradii Mujaahidiinta hawlgalka Burco sameeyey qaar ka midda Maalmaahaas Iyo Sawiradoodii .
 
Fiiro-gaara:- Waxaanse mar kasta ka cudurdaaranaya inaan la wada qorin Karin Taarikhdii iyo Halgankii , isla-markaana mujaahidiinta inta ka nooli ay u baahan yihiin wakhti aad iyo aad u badan ama hubin badan ,isla-eegid badan in laga wada sheekeeyo dhamaan ,dabadeed laysla hubsado halgankaasi Snm iyo dhamaan mujaahidinti kuwa shahiday iyo kuwa noolba ilaa wadanka oo dhan meel kasta.
-ILAAHAY AYAA MAHADAA ISKA LEH-
Waxaa soo Diyaariyey
Adan Yusuf Cilmi,B,ham UK.