MAYAR CABDALE WAXQABADKIISA TAARIIKHDAA KA MARAG KICI

Waxaan marka hore salaamayaa saxaafada Somaliland ee kala gadisan Aniga oo uga mahad celinaya hawsha balaadhan ee warfidineed ee ay Bulshada reer Somalilan u hayaan iyaga oo gaadhsiiya wararka iyo Horumarka dalka meelkasta oo ay joogaan bulshada reer Somaliland Marka labaad waxaan hambalyaynayaa bulshada reer Somaliland aniga oo ku hambalyaynaya isu soo baxii balaadhnaa ee ay sameeyeen 18/may oo ku beegneyd labaatan guuradii ka soo wareegtay gooni Isutaaga Jamhuuriyada Somaliland.
Haddaan maqaalkayga usoo dhaadhaco Aniga magacaygu waa Sheekh Cali.Iid Yuusuf Cali waxaanan ahey muwaadin Somalilander oo dagan Magaalada berbera mudo badana ku sugnaa anigu wali wax maqaala Ama barnaamija kumaan soo badhigin saxaafada balse waxan Manta qalinka iyo waraaqada isu dulsaaray in aan waxoogaa yara Iftiimiyo waxyaabaha bilicsan ee magaalada berbera ku soo kordhay wakhtiyadan danbe oo aan odhan karo waxbadan ayaa magaaladan Berbera oo mudooyinkii hore dulmanaan jirtay ayaa laga qabtay waxaana Waxqabadkaa intiisa badan qabtay maamulka Dawlada hoose ee berbera oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee Degmada berbera isla markaana ah Mayar Degmada Cabdala Maxamed Carab(Sandheere)waxaanan waxqabadka uu sameeyay Mayar Cabdale Ka soo qaadan karaa wadooyinka bilicsan ee uu ka hirgaliyay Shaaracyada magaalada berberana waxa wado laga hirgaliyo ugu Danbeysay sanadii 1970kii iyada oo uu mudo yar oo kooban uu ku Sameeyay wadooyinkaa oo tiradoodu tahay(8)sided wado oo intooda Badani aanay horeba ujiri jirin waxaanan leeyahay waxay wadooyinkaasi waxay ku suntanaan doonaan taariikhda Cabdale Maxamed Carab waana lagu xasuusan doonaa waxa kaloo aan la xaqiri Karin biyo mareenada(Dreenachska) uu ka sameeyay suuqyada magaalada ee ay Bulshada reer berbera wada garanayaan wakhtiyada xili roobaadka Sida ay biyuhu ufadhiisan jireen ee ay mudada ufadhiyi jireen waayo Magaaladan beriberi maaha sida Gobolada kale ee dalka oo biyaha Roobku ka tagaa ma qalalaan markiiba sababtoo ah waxa dhulka hoostiisa ka soo maaxanaya biyihii bada sidaa darteed biyuhu ma qalalayaan markaa qofkasta oo reer berbera ahi waa uu garan karaa dhibaatada ay magaalada biyahaasi ku hayeen markaa waa waxyaabaha Aaanan iloobi doonin ee uu Magaalada berbera mayar Cabdale magaca Kaga kasban doono hadii ilaahay yidhaa iyada oo ay tahay taariikhda Markii ugu horeysay ee berbera laga sameeyo mareeno anfaca Bulshada waxaanan leeyhay wax badan oo fiican ayaad qabtaye Ilaahay Ayaa kaa abaal marin doona ta bila.aadamku waa wax sokee taariikhdana way kuu galaysaa waxa aad qabtay inta aad xilka Haysanaa Waanu ku garab taaganay taageero buuxdana waanu ku siinaynaa Dhinaca kale waxan leeyhaya waxqabadka Duqa berbera waxa uu Cashar unoqon doonaa Maayarada kale gobolada dalka
Gabagabadii waxa cadaana oo aan daah saareyn bilicda magaalada Berbera in ay soo jiidatay bulshada reer Somaliland ee wadanka Gudihiisa iyo debediisaba ku kala sugan
Wabilaahi Tawfiiq
Sheekh Cali.Iid Yuusuf Cali
Berbera/Somaliland