Canbaareyn Xadhigii Sharci Darada ah ee loo geystey Md, Xasan Awjaamac Muuse (Xasan Jabane) oo muddo 7Casho ku xabisan Saldhiga Booliiska Deg, Sheekh..

Anagoo ka midda Madaxdhaqameedka, Odayaasha, Aqoonyahanka iyo Ganacsatada G/Saaxil, waxaanu  Cambaareynaynaa Xadhiga Sharcidarada ah ee Mudane, Xasan Awjaamac Muuse (Xasan Jabane)..
waxaanu halkan ku muujinaynaa dareen kayaga ku aadan xadhigii Sharci-darada ah ee lagula kacay iyo  weliba Xadgudubkii loo geystay Mudane, Xasan Jabane,  iyadoo uu falkaas soo qorsheeyeen Xoghayaha Iyo Joonmitirka D/Hoose Degmada Sheekh,  uuna fuliyey Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Sheekh  oo caan ku ah falalka sharcidarada iyo tacadiyada ah marka kasta ka dhaca Degmada Sheekh, laguna kaco shacab halkaa ku dhaqan… , 
Cod kayaga ayaanu ku biirinaynaa Baaqyada kale ee ka yimi dadweynaha Kale Reer Saaxil, waxaanu si kulul u cambaaraynaynaa Xadgudubyada uu ku kacaayo Taliyaha Saldhiga Sheekh iyo Inta kale ee uu Sharcidarada uu ugu adeego oo si qayaxan oo sharci dara ah u afduubay Mudane Xasan Jabane, oo maalintii 7aad si sharci daro ugu xidhan saldhiga sheikh ,loona diiday in maxkamad la horkeeno..
Masuuliyiintaa D/hoose iyo taliyaha Saldhiga booliiska Sheekh , iyagoo ka faa’iidaysanaaya Shaatiga Xukuumadda ee ay gashanyiihin ayey si sharci dara ah u fuliyeen xadhigia Muwaadinkaa , welina waxay doonayaan inay ku wadaan oo saldhiga iska hayaan muwaadinkaa sharci-darada ay ku  sameyeen ,waxaanay noqonaysaa wax meel ka dhac ku ah shuruucda wadanka u degsan, bani-aadam-nimada iyo xaqa muwaadinka. Arrintaas oo Dadweynaha Somaliland, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda G/Saaxil gaar ahaan dadka sheikh , ku noqotay layaab, argagax iyo amankaak! 
Sida runta ah xukuumada oo aan maanta tageero Siyaasadeed ka haysata G/Saaxil kadib markii ay kalsooni ka heleen doorashadii u danbaysay dadweynaha G/Saaxil iyo Guud ahaanba Somalilandba ,
Waxaan aan ka codsanaynaa xukuumada Somaliland in  Taliyaha Saldhiga Deg/Sheekh ee sida sharcidarada ugu adeegaya xoghayaha D/hoose iyo Joonmitirka Degmada oo  maalin kasta dulmiga u geysanaya dadweynaha Degmada ku dhaqan,  horena uga geystey dhibaatooyin fara badan oo aan halkan lagu soo kobi karin.
Hadaba, waxay taasi ina xusuusinaysaa halku dhiggii Suu’gaaneed oo ahayd “Hadii Awr Karbaashkiisa Cuno, Kebedda Loo diiray, Kud hadilo e Geediga kalaa kurusku hool maaye”.
Muwaadinkaana wax kaloo lagu xidhay waanu garan-weynay oo aan ahayn fikirkiisa siyaasadeed ,  laguna eedeeyay inuu ahaa xubnihii ugu firfircoonaa ee Xisbiga Kulmiye G/Saaxil, Dhowr jeer oo horena hanjaabyo loo geystay.weliba Taliyaha saldhiga Degmada Sheekh oo ahaa dadkii sida indho,la,aaanta u taageeri jirey Xisbiga UDUB,muu samayn wax dhibaato ah,waxaana hadaanu nahay odayaasha baaqan qoray ka codsanayn taliyaha booliska saldhiga in maxkamad la horgeeyo muwadinkaasi , waxaanu si cad noogu sheegay in uu iskaga haynaayo saldhiga booliska, waxaana aanu la yaabanahay, sababta uu taliyuhu sharci-dalka madaxa ugu sito, balse  maxaa loogu diidanyahay in sharciga la horkeeno,bal,adba ?, xukuumaduse miyaanay damaanad qaadin Xaqa uu leeyahay qofka muwaadinka oo 7casho ku xidhan saldhiga sheikh.
Waxaanu leenahay Taliyahaasi waxa uu wadaa ayaa ah arin dalka dhibaato u geysanaysa, isla-markaana qas ka abuurayso Degmada Sheekh,,
Waxaan ku soo gebo gebaynaynaa baaqayagan in badan ayaa loo dulqaatay Taliyaha Booliiska Degmada sheikh , kaligii taliska iyo damiirxumida uu sameynaayo..
Hadaba Waxaanu u sheegaynaa isla markaana kula talinaynaa Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo inay xoriyadiisa si degdega ugu soo celiso, Muwaadinkaasi aan denbiga lahayn., anagoo  cambaarayna hab dhaqanka Taliyaha Booliiska Deg, Sheekh , waxaa uu ka geysanaayo ay tahay , wixii laga dagaalamay., ee ay ku kicijireen Xisbigii Udub ee uu ka tirsanaa,
waxaan qoraalkan kaaga codsanayaa xukuumada Somaliland in aad bedeshaan Taliyaha Booliska degmada sheekh , maadaama uu shaqadii loo igmaday uu ka soo bixi waayay, Isla markaana caan ku noqday ku xadgudubka xaqa muwaadiniinta oo karamadooda iyo sharaftooda sida uu doono ugu tumanaayo.
Waxaan rajaynayaa xukuumada inaad codsigaygan aqbali doonto oo aad u soo magacaabi doonto taliye cusub degmada sheekh.
Magacyada Aqoonyahan, Ganacsatada, Iyo Odayaasha..
1.Nabadoon, Xuseen Bidhiidh Jaamac.
2. Mudane Carab Siciid Kiyo. .
3. Mudane, Axmed Cilmi xaajiYusuf .
4. Oday , Cabdiraxmaan .cabdi Caraale
5. Nabadoon, qolof ibraahim Ducaale..
6. Mudane, Cabdi Ismaciil xuseen.
7.Dr, Maxamed Cabdi Jaamac.
8. Prof ,Axmed X.Cali Faarax.
9.Dr, Cawil Xasan Maxamuud.
10.Mudane, Xuseen cabdilaahi Ismaciil..
11.Nabadoon, Cabdilaahi Yusuf Ismacil.
12.Muj, Xuseen haaji jamac Diiriye.
13Muj, Maxamed Axmed Xuseen.
14.Mustafe  Yaasin awfaarax .
15.Salebaan Cali Salaad.

Wabilaahi Towfiiq,
Muj, Axmed Ismaciil Looshade, Sheekh/S,Land