Riyadii Somaliwey way Burburtay, Haddii kale Waa in La Helo Ujeedadii shantii Soomaaliyeed Ee Djibouti, Kenya iyo Itoobiyaba..Xidhibaan Naasir Xaaji Cali

Berbera- (Berberanews)- Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Togdheer, ahna maamulaha Jaamacadda gaarka loo leeyahay ee Gollis Berbera, ayaa sheegay in haddii lagu adkaysto shuruuda markasta caalamku ku xidho Somaliland ee ka-mid-ahaanshiyaha dalweynihii laysku odhan jiray Somalia ay sharciyan tahay in la helo Soomaalida Djibouiti, Kenya iyo Itoobiya ee uu ka dhashay fikirkii federaalku.
 
Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire waxa uu sheegay inaanay meesha oolinn duruuf gaar ugu qasbaysa Somaliland inay ka mid ahaato Somalia,islamarkaana meesha ka saaray xidhiidh dal ahaaneed mooyee inaan wax kale dhexmari Karin labada dal, “Marna meesha ma yaalo nidaam federal ahi, waxaynu noqonaynaa inaynu khasaarinay halgankii iyo waxkasta oo ummadani u soo martay, Somalia waxa inaga dhaxayn kara inaynu noqono laba dal oo jaar ah, oo walaalo ah oo iskaashan kara, mana jiro wax inoo diidaya sida wadammo badan oo caalamka ahi u kala tegeen.
 
Taa waxa inoo sii dheer waxaynu ahayn laba wadan oo kala duwan, waxa isu keen geeyay wuxuu ahaa sidii loo samayn lahaa wixii laysku odhan jiray Somaliweyn, riyadii Somaliweyna way burburtay, haddii midow danbe laga hadlayo  waxa sharciya in ujeedadii Somaliweyn la keeno oo shantii Soomaalida Djibouti, Kenya iyo kuwa Itoobiyaba qayb ka ahaayeen.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Shire oo xogwaran gaara siiyay shebekadda Berberanews
 
 
Xildhibaanku waxa uu ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay Somaliland mudada 20ka sano ah ee ay iskeed u jirtay, iyadoo aan cidna taageero ka helin, “20ka sano ee Somaliland jirtay waxay ku talaabsatay horumar laxaad leh, waxay sammaysatay nabad, iyadoo wadamada ku xeeran dab ka holkacayo; waxay ku guulaysatay inay jiritaankeeda sii wadi karto, waxaanay dhammaystirtay dhammaan shuruudihii dawladnimmo looga baahnaa.” Ayuu yidhi
 
Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire waxa uu ka hadlay duruufaha ku gedaaman ictiraafka Somaliland iyo sida lagu gaadhi karo, waxaannu yidhi, “Ma jirto cid midnimo ku khasbi karta Somalilad, laakiin duruufaha ku gedaaman waxaan odhan karaa waa wakhtiga. Marka aad eegto Afrika wadammada ugu waaweyn ee ictiraafkeena hortaagnaa waxay ahaayeen wadamada Carbeed oo la ogyahay danta ay ka leeyihiin.
Waxaan qabaa haddii aan wadno ku-adkaysiga Somaliland, oo nabadgelyada iyo horumarka sii wadno inaynu noqon doono wadan caalamka ka mid noqda.”
 
Xildhibaan Naasir waxa uu gebogebadii ka hadlay qiimaha 18ka May ugu fadhido shacabka Somaliland iyo sidii ay ku timi, waxaannu yidhi,  “Maalinta 18ka May waxay ku qotontaa heshiiskii iyo axdigii ay wada saxeexeen beelihii wada deganaa dhulkii laysku odhan jiray ‘Somaliland British Protectorate’ ee xornimada qaadatay 26kii June 1960kii.
 
Maalinta 18ka May waa maalin taariikhiya; waa maalintii SNM soo afjartay halgankii dheeraa ee ay dalka ku xoraynaysay; waa maalin babadeed; waa maalintii beelaha waqooyi wada degaa heshiiska nabadeed wada galeen ; waa maalin ay ku midoobeen shacabku inay mid ula soo noqdaan xoriyadoodii ay 60kii qaateen oo lagu ansixiyay qodobada 1aad iyo 2aad ee distoorka qaranka oo si cad u cadaynaya midnimada iyo jiritaanka Somaliland oo ah go’aan aan cidina ka bixin Karin, kooxina ka bixi Karin, beelna ka bixi Karin.”