Chief of protocolka Madaxtooyadda Oo Madaarka Hargeysa Ku Qaabilay Muwaadin Diyaarad Ugu Ololeeya Ictiraafka Kosovo

Hargeysa May 25, 2011 (Berberanews)- Mr James oo ah Duuliye u dhashay dalka Kosovo oo ka go’ay Serbiya March 2009, una ololeeya ictiraaf uu dalkiisu ka helo caalamka, ayaa safar khaasa ku yimi magaalada caasimada Hargeysa ee caasimada Somaliland.
Muwaadinkan oo diyaarad khaasa ku soo maray 93-dal oo ka mid ah dunida iyadoo ay Somaliland noqonayso wadankii 94-aad ee uu socdaalka ku maro, ayaa baadigoobaya qadiyada gooni isu taaga Kosovo oo qarammada Midoobey shuruud uga dhigtay, haddii uu dalkaasi helo 150 dal oo si buuxda u aqoonsada inay kursi ka helayaan Xarunta Qaramadsa Midoobey oo loo aqoonsan doono dal a madaxbannaan Serbiya.
Mr James oo da’diisu tahay 37 jir waxa Madaarka Cigaal International ku soo dhaweeyey Chief of protocolka madaxtooyadda Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) iyo xubno ka mid ah dallada dhallinyaradda SONYO.
Chief of procotolka Madxatooyadda Maxamed Cilmi Aadan oo ka hadlay soo dhawaynta ninkan reer Kosovo, ayaa sheegay inay wax badan iska shabahaan dalalka Kosovo iyo Somaliland oo labadooduba ictiraaf ka sugaya bulshada caalamka.
Chief of procotolku waxa uu u mahadceliyay ninka ictiraaf-raadiyaha ah Mr James socdaalka uu ku yimi Somaliland, isagoo sheegay inay xukuumad aaan soo dhawaynayaan.
Ninkan oo u dhashay dalka Kosovo ayaa soo maray 93-dal oo ka mid ah dunida iyadoo ay Somaliland noqonayso wadankii 94-aad ee uu socdaalka ku maro isagoo baadi goobaya qadiyada Gooni isutaaga Dalkaasi ee Kosovo, waxaana uu manta ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport isagoo wata diyaarad khaas u ah oo labada dhinac kaga dhagsan yihiin erayo uu beesha Caalamka kaga dalbanayo in madax banaani la siiyo Kosovo iyo Somaliland oo ah laba dal oo aan wali ka mid noqonaynin wadamada la ictiraafsan yahay.
Mr James Berisha oo isaguna ka hadlay socdaalka uu ku yimid Somaliland ayaa sheegay inay dalkani uu yahay dal isku mid yihiin dalka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Kosovo isagoo xusay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshiyaha Somaliland isla markaana uu warbixino badan ka qaadan doono Dalkani Somaliland.
Berberanews.com