Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka gobolka Saaxil oo faahfaahin ka bixiyey cudur noociisa la garan-waayey oo Berbera ka dilaacay Berbera

Berbera-(Berberanews)- Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee gobolka Saaxil Dr Cabdikariin Maxamuud Gaas, ayaa shaaca ka qaaday inay Wasaaraddu Baadhitaan ugu dirtay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya Dhiigag laga qaaday dad xanuunkaasi soo riday.
 
“Xanuunku waa xanuun Xummad kulul leh oo aan weli noociisa la aqoonsan.” Ayuu yidhi Dr. Cabdikariim Maxamuud. Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Saaxil, waxa uu sidaa ku sheegay war uu maanta siiyey Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga Idaacadda VOA u jooga magaalada Hargeysa. Waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi isu-duwuhu; “Hase ahaatee, xanuunkaasi weli lama aqoonsan waxa uu yahay, balse sida loo buunbuuninayo maaha ee dad badan oo u dhitay ma jiraan, waana xanuun marka qofka la siiyo Kiniinka Xummad-jabiyaha ama lagu mudo Irbadda la-dagaallanka Xummadda uu ladnaanayo ee wax dhibaato weyn keenay maaha.”
 
Mar uu Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Saaxil ka hadlayey sida ay baadhitaanka xanuunkan Wasaaraddu uga hawlgashay, waxa uu yidhi; “Wasaaradda Caafimaadku waxay Berbera u soo dirtay Koox baadhayaal ah, markii la aqoonsan waayey nooca xanuunkaas, Wasaaradda Caafimaadku waxay Dhiigag laga qaaday dadka xanuunkaasi soo riday u dirtay mgaalada Nairobi ee dalka Kenya, welina Natiijadii baadhitaankaasi namay soo gaadhin, laakiin waxaan rejaynayaa marka baadhitaankaasi soo dhammaado dhawaan in natiijadu na soo gaadhi doonto.”
 
Waa markii ugu horreysay ee ay Waaaradda Caafimaadka Somaliland ka hadasho xanuunkan oo fara baas ku haya dad weynaha ku dhaqan magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera oo toddobaadkan Gabadh yari ugu geeriyootay xanuunkaas, dad badanina Cusibtaalka u jiifaan, halka in badanina ka lad-naadeen. Berberanews.com Hargeysa/Somaliland.
 
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com