Muqdisho oo si weyn loogu xusay sannad-guuradii 20-aad ee gooni isku taaga Somaliland. +SAWIRO

Xisbiga Midnimada Jamhuuriga soomaaliyeed USRP oo ka mid ah dhowr xisbi siyaasadeed oo ka jira koonfurta Somalia ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aadan 20-guuradii ka soo wareegtay gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland oo ku beegan maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 18-ka May u diray shacabka iyo maamulka Somaliland ka dib munaasabad maanta ka dhacday xarunta xisbigaasi ee Magaaladan Muqdisho.
Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay  ayaa waxaa ka ka qeyb galay masuuliyinta sare ee XMJS, xubno fara badan oo ka kala yimid qeybaha bulshada sida dhallinyarada, haweenka iyo aqoonyahanada waxaa ka qeyb galayaasha oo khudbado kala duwan halkaasi ka jeediyey ay si xamaasad leh u taageereen gooni isu taaga Somaliland.
jamuuri2

Gebagebadii Munaasabadaasi ayaa waxaa ka hadlay mid ka mid ah Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux (Timajilic) oo ku dheeraaday sida loogu baahan yahay inaan loo kala fogeyn shacabka Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan gobolada woqooyi iyo kuwa koonfureed ee Somalia xitaa haddii ay labo dal ay u kala baxaan, wuxuuna Timajilic ka waramay in shacabka Somaliland ay tahay in loogu hambalyeeyo sida ay dalkooda u nabadeeyeen, isla markaana u dhiseen nidaam dowladeed oo soo celiya adeegyadiii asaasiga ahaa bulshada sida caafimaadka, dugsiyada, nadaafada iwm.
jamuuri3

“Somaliland dowlad iyo shacaba waxaan leenahay hambalyo, gooni isu taagaasina maaha mid lagu qasaaray sababtoo ah waxaa ku badbaaday dal iyo dad Soomaaliyeed marka loo eego qasaaraha ay dhex fadhido Soomaaliya oo 20 sano ka bixi weysay dagaal iyo fowdo aan dhamaad laheyn, waxayna intii koonfurtu isdileysay shacabka Somaliland ku talaabsadeen horumar ay ka mid yihin nabadgelyo, dowladnimo iyo doorashooyin xor ah ay ugu talaabeen nidaamka dimoqraadiga ah ee xisbiyada badan” ayuu yiri Timajilic oo intaa ku daray in aan la inkiri karin howsha ay shacabkaasi qabteen iyagoo aan taageero ka helin beesha caalamka.
“Waxaan ka codsaneynaa Dowladda federaalka Soomaaliya iney Sonaliland wax badan kaga dayato qaabka ay u xalisay arimaheeda gudaha iyo kuwa qabaa’ilka, kana fogaadaan dibindaabyo kasta oo kala fogeynaysa shacabkaasi Soomaaliyeed ee intii koonfurtu isdileysay shaqada fiican qabtay, waxaan u jeedineynaa dowladda Soomaaliya iney ku shaqeyso Axdiga ku meel gaar ka ah, ayna qaado jidka dimoqraadiyada iyo nidaamka asxaabta badan, dalkana ka saarto xoogaga shisheeye ee ay adeegsaneyso sida ciidamada AMISOM, Waayo? xoogag shisheeye waxba kaama dhigi karaan ee shacabkaaga ayaa wax kaa dhigi kara, ” ayuu Timajilic.
xaflad

“Guddi la magac baxay guddiga horumarinta iyo cilmi baarista ee xisbiga Midninmada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa soo saaray warbixin ay ka so diyaariyeen socdaalo ay ku tageen ilaa 11 gobol oo ku kala yaala koonfurta Soomaaliya kuwaasoo ay ka soo qaadeen codad sahan oo ku saabsan sida ay dadku u arkaan gooni isu taaga Jamhuuriyada la baxday Somaliand, Guddigan ayaa waxay warbixintooda ku sheegeen in 11-ka gobol ee ay soo mareen ay midkiiba weydiiyeen 100 qof sida ay u arkaan madax banaani la siiyo Jamhuuriyada Somaliland, natiijada ka soo baxday codadkaasi sahanka ah waxay noqotay in 96.9% ay u codeeyaan in Somaliland ay mudan tahay in la siiyo madax banaanideeda” ayuu intaa ku daray Timajilic
Timajilic oo ka hadlayey xaaladaha siyaasadeed ee koonfurta Somalia ayaa sheegay iney aad u uga xun yihiin khilaafka aan dhamaadka laheyn ee soo kala dhex galay dowlada Somalia masuuliyinteeda, isagoo ugu baaqay madaxweynaha inuu ogolaado doorasho in la qabto, wuxuuna shaaca ka qaaday in doorashada madaxtinimada dalka uu sanadkani markii ugu horeysay uu u sharaxan yahay kana qeyb geli dono C/nuur Axmed Darmaan oo ah gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyed arintaasoo uu xusay in dad badan ay soo dhoweeyeen, wuxuuna dhinaca kale cambaareeyey duqeymaha joogtada ah ee maalin kasta ka dhaca magaalada Xamar oo uu sheegay iney waxyeelo ka soo gaarto dad shacab ah oo aan waxba galabsan, wuxuuna dhinacyada isku haya magaalada ka codsaday iney wado u furaan shacabka doonaya iney ku ganacsadaan kana adeegtaan Suuqa Bakaaraha.
Ugu dambeyntii Timajilic ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Shacabka, Maamulka Dawladda iyo Axsaabta siyaasadeed ee ka jirta Somaliland 20 guuradii ka soo wareegtay markii ay goonida isu taaageen oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka May, isagoo u rajeeyey iney ku gaaraan sanadkan kiisa kale iyaga iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedba barwaaqo, bash bash iyo nabad waarta oo horumar leh.”