Ardayda Jaamacadda Burco Waxay Hambalyaynayaa Go’aanka Xukuumadda Ee Bedelka Lacagaha

Ugu horayn waxaan muwaadiniinta reer Somaliland kusalaamayaa Salaanta Kownkan ugu qaalisan
Asalaamu calaykum warxmatulaahi Wabarakaatuh.
Salaan kadib waxaan jeclahay inaan halkan eroyo kooban kaga tilmaamo arin aad ugu farxisay Muwaadinkasta oo reer Somaliland. Arintaas oo ah bedelka Xukuumadda Talada dalka gadhwadeenka ka ahi ay ku bedeshay Lacagtii Giinbaarta ee burco dhexwareegaysay in kabadan 30 sano.
Aniga oo ah Gudoomiyaha Ardayda Jaamacadda Burco Mr.C/fataax Siciid Jaamac “Abdifatah Shalumaray” waxaan cod dheer ugu hanbalyeynayaan ka ardayda Jaamacada Burco ahaan, balanqaadka ay ka soobaxday Xukuumaddu kaasi oo ay mudo 15 sano kabadan xukuumadiihii dalka soomaray ay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan Hanbalyo Hanbalyo Hambalyo Xukuumada Cusub waxaad saarantihiin Jidkii Rajada iyo Horumarka Alle haydinku garbgallo arimaha Horumarka leh ee aad wadaan. Niyad san oo saafiya ayaan shacab ahaan idinla garab taaganahay No Tribe, No Political Party, Qabiil meel laguma gaadho horumarku wuxuu ubaahanyahy wada jir iyo wax wada qabsi dhexmara bulsha.
Xukuumadan hada jirtaa waa mid dalku mudo badan u baahnaa ay fiicnaan lahaydna in wakhti hore ilaahay geyiga inoogu dhiibo, hase yeeshee qadarka alle ayaa iska leh, ilaahayna waxaan kabaryayaa in xukuumada hada jidka ay ku taagantahay ee Horumarkaleh ku sugo oo aanay kaleexan, cadawga iyo waxindoonkana alle ka qabto Aamiin. Aamiin.
Xukuumadan cusub wuxuu alle u qadaray kuna guuleeyey inay 9 bilood ku bedesho Giinbaartii Burco halka 15 sano iyo kabadan ay ku fashilmeen bedelideeda Xukuumadihii iyada ka horeeyey.
Ardayda Jaamacadda Burco iyo dhamaan dadweynaha Reer Togdheer waxay cod dheer ugu mahadnaqayaan ugu horayn ilaaha awooda idiinsiiyey “xukuumada” inaad Lacagtii Giinbaarta Gobolka Ka bedeshaan.
Lacagtaas Giinbaarta ah oo dhibaato aad u daran ku haysay dadweynaha reer Burco, dhibaatooyinkaas oo ay kamid yihiin caafimaadxumo madama ay lacgtu gabawday oo ku dhawaad mudo 30 sano ah faraha dadka ku dhexwareegaysay. hoos u dhac dhaqaale iyadoo ay lacagta inteeda badani Goo’goday oo qofku hadii 20,000 sh. qaato ugu yaraan 2,000 sh. iska dhimijireen. hadii lasii furfarana kaba sii daran.
Xukuumadu waxay ku balanqaaday barnaamijyo badan oo horumarineed xiligii ay Ololaha Doorashada kujirtay markaa Burco barnaamijyadeedii oo ay ugu Horaysay kabedelida lacagtan Agoonta ah ee Aabeheed ” Siyaad Barre” waa hore go’ay. iyo barnaamijyo kaloo badan.
Rajo aad uweyn ayaanu xukuumadda kaqabnaa Reer Burco ahaan Maadama ay qodobkii ugu Daraa baahiyahayaga ay xukuumadu fulisay oo ay ka dhabaysay. kuwa kalena waanu kafilaynaa insha allaah.
Kagudoomiye ahaan waxaan Hanbalyo Gaara u dirayaa Gadhwadeenka Dalka Md. Axmed Maxamed Maxamud “siilanyo” waxaan ku hanbalyeynayaa sida wadaniyada leh ee uu xukuumadiisa ugu hogaaminaayo jidka
horumarka dalka iyo waxqabadka muuqda ee ay kafulisay Gobolada Dalka Gaar ahaan. G/ Maroodi Jeex, G/ Saaxil, G/awdal iyo G/ Togdheer waxaanan leeyahay Mudane madaxweyne Gobolada Sool iyo Sanaag oo aydaan laftooda Iloobin hadana waxay u baahanyihiin in sigaara loo eego arintooda maadama ay yihiin Gobolo kayara danbeeya kuwan aan sheegay xaga Horumarka.
Hanbalyo Hanbalyo Hambalyo Xukuumada Cusub waxaad saarantihiin Jidkii Rajada iyo Horumarka Alle haydinku garbgallo arimaha Horumarka leh ee aad wadaan. Niyad san oo saafiya ayaan shacab ahaan idinla garab taaganahay No Tribe, No Political Party, Qabiil meel laguma gaadho horumarku wuxuu ubaahanyahy wada jir iyo wax wada qabsi dhexmara bulsha.
By: Abdifatah Saeed Jama ‘Abdifatah shalumaray”
Gudoomiyaha Ardayda Jaamacadda Burco
E-mail : ubabdifatah@hotmail.com