Isu-duwaha Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Gobolka Saaxil Oo Soo Bandhigay Shax Muujinaysa Waxqabadkooda, Baaqnka U Diray Qurbojooga

Berbera-(Berberanews)- Isu-duwaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland ee Gobolka Saaxil Cabdalla Ismaaciil Yaasiin, ayaa soo saaray qoraal uu faahfaahin kaga bixiyey wax-qabadkii Xafiiska Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta ee Gobolka Saaxil oo aan hore uga furmayn, haseyeeshee ay xukuumadda Madaxweyne Silaanyo ka hirgelisay markii ay talada la wareegtay.
Isu-duwuhu waxa uu kale oo uu baaq u diray shirweynaha shir ay isugu imanayaan qurbojooga gobolka Saaxil oo 15-ka illaa 14-ka bishan May ka dhacaya London inay taageeraan horumarka ka hirgalay Saaxil qaybna ka noqdaan sidii loo horumarin lahaa.
Qoraalka uu soo saaray Isu-duwuhu oo faahfaahsani waxa uu u qornaa sidan;
“Xafiiska Wasaaradda Qorshaynta iyo Harumarinta ee Gobolks Saaxil waxa la Furay 25/09/2010, Xafiiska Wasaaradda Qorshynta waxa uu ka mid yahay Hay’adaha Dawladda ee Xukuumada Somaliland ee cusubi ku soo kordhisay Gobolka ee aan hore uga furnayn Gobolka.
Furista Xafiiska Wasaradda Oorshaynta iyo Horumarinta ee Gobolka Saaxil uu ka danbeeyey Socdaalkii ugu horreeyey ee uu Wasiirka Wasaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr Sacad Cali Shire uu ku yimaaddo Gobolka Saaxil 25/09/2011.
Isla markii Xafiiska la furay waxa uu Isuduwaha Wasaaradda Qorshynta iyo Horumarinta Gobolka Saaxil Md. Cabdalle Ismaaciil Yaasiin uu Socdaal ku soo maray Toddobada Degmo ee Gobolku ka kooban yahay ee kala ah Bullaxaar,Madhera,Go’da Weyn.Hagal, Laasciidle,Sheekh iyo Berbera-si Xafiisku xog sugan uga helo dadweynaha ku dhaqan degmooyinkaas iyo baahiyahooda.
Muddadii Koobnayd ee xafiisku hiray waxa uu ku guulaystay waxyaahan soo socda:-
 In uu soo saaro Buug Xog Ururin ah (Sahil Statistics Abstract Book) oo ka kooban baahiayah aasaasiga ee gobolka ka jira sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, laydhka, kaluumaysigam beeraha, Urarada Bulshada iyo laamaha dawlada eeka hawl gala
 Waxa kale oo xafiisku soo saarau buug ay qoran yihiin Community needs kii oo Degmo Degmo ah
 Waxa kale xafiiska wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta ee Gobolka Saaxil ku guulaystay in uu gobolka u sameeyo Dorshe Shan sano ( Sahil Region Five Year Development )
 Waxa kale oo Wasaarada Qorshaynyu ku guulaysatay in ay samayo Gudiyo Hrumarineed kuwaas oo kala ah -1) Gudida Horumarinta Gobolka Saaxil oo ka kooban Dhamaan isuduwaasha wasaaradaha Gobolka saaxil, mayorada Todobada Degmo ee gobolku ka koobanyaha,ururada bulshada ee Gobolka iyo waliba Ganacsatada kuwaas kaalin weyn ka qaatay isku xidhka laamaha Dawlada ee gobolka ka hawl gala isla markaana aad u fuddudaysay inay isla jaan qaadaan dhamaan hayadaha Gobolka ka jiraa taasina ay tahay ta manta sababtay in Gobolka Saaxil ay ka Qabsoomeen waxyaabo la taabankaro oo horumar ah. Gudidaas waxa ay shiraan labadii bilood ba halmar.2)Gudida Horumarinta Degmada oo ka kooban- mayorka, xilshibaanada, laamada wasaarada dhexe ee heer degmo, ururada bulshada ee heer degmo iyo waliba ganacsatad,GIdidaas waxa ay shiraan bishiiba hal mar. 3)waxa kale oo gobolka aan doonaynaa in sanad walba la qabto Hal kulan oo ay ku kulmaan Gudiyadaas aankor ku xusnay,xildhibaanda golaha wakiilada ee gobolka ka soo baxay,qurbo joogta,cuqaasha iyo dhaaam cida ay khusayso Horumarinta Gobolka waxaana laga hadli doonaa ariamaha horumarinta ee Gobolka saaxil.
Barnaamijkaas aan kor ku soo xusnay waa baarnaamij uu wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo HOrumarinta Dr Sacad Ali Shire uu wado oo la doonayo in Gobol walba laga Hirgaliyo oo gobol waliba uu Qorhse isaga u gaar ah uu yeesho waana baarnaamijka cusub ee xukuumada Jamhuuriayada Soamaliland
Baaq Ku Socda Shirka Qurbojooga Gobolka Saaxil ee London.
Waxa aan doonayaa in aan Baaq u Diro Qurba Jooga Gobolka Saaxil eek u nool Qaradaha yurub,America Aniga oo ka faa’iidaysanaya Shirka ay Qaban qaabinayaan Qurba jogta Gobolka Saaxil waxaan uu soo jeedin lahaa qodobadan hoos ku Xusan
1. Horta waxaan ilaahay idiinka baryayaa in shirkaas noqdo mid ay ka soo baxaan wax lagu farxo oolagu hormarinayo Gobolka saaxil ee aanu noqon mid lagu wiiqayo horumarinta gobolka saaxil ee ay wado Xukuumada Cusubi ee jamhuuriyada Soamliland
2. Waxaan idiin soo jeedin lahaa in aad ka qayb qaadataan Barnaamijka HOrumarinta Gobolka Saaxil ee ay wado wasaarada Qorshayta iyo Horumarintu iyo madaxda Goboka Saaxil
3. Waxa kale oo aan idiin soo jeedin lahaa in horta idinku(Qurba Jooga Gobolka Saaxil) aad iska bilowdaan horumarinta gobolka oo aad Qof waliba iyo Qoys waliba uu Qurbo jooga ahi uu Gurri ka soo dhisto Magaalada Berbera oo ah magaalada madaxda Gobolka Saaxil si aad u camirtaan magaalada, waxa kale oo aanidinku dhiirigalin lahaa in aad Investment ku samysaan Gobolka idinka oo ka faaiidaysanaya Khayraadka badan ee Gobolku leeayhay ama aad ku soo korshisaan gobolka warshadu yar yar oowax soosaar.
4. Waxa kale aan ku soo gababaynayaa hadalkayga murtidan kooban( Bari waxa jiri jiray oday ilko laa oo duq ahaa iyo waliba indho laa, odaygaas waxa uu qabay gabadh- gabadhaasi waxa ay ahayd mid uu aad iyo aad u jeclaa maxaa yeelay waxa ay siin jirty cuntada iyada oo calaalin jirtay ka dibna afka ugu Guri jirtay, waxa uu odaygu sidaas ku noolaadaba gabadhii cuntada siin jirta ayaa ka dhimatay ka dib odaygii waa maroora dilaacay wuu uu ooyay ka dib bulshadii uu la deganaa ayaa aamusiin kari weyday maxaa yeelay aad ayuu u jeclaa oo cuntada ayay siin jirtay oo ay u calaalin jirtay ilayn ilka ma lahee markaas waxa uu isyidhi yaa cuntada ku siin doona.- markii wakhti ka soo wareegay oo uu odaygiina iska noolaa ayaa maalintii danbe uu gabadh kale ilaahay u keenay oo uu guursaday, ka dib ayaa gabadhii cusbayd ee uu guursaday cuntadii uu tuntay inta ay mooye soo qaaday ka dibna ay siisay cuntadii oo nafaqadii leh oo aanay ka muudsan ilayn gabadhii hore way u calaalin jirtay oo nafaqada ayay ka muudsan jirtay markaasay siin jirtay- inyar ka dib ayaa odaygii yaraa cayilay oo fiicnaaday oo firfircoonaaday ilayn cunto aan nafaqadii laga nuugin oo loo tumay ayaa la siiyay. Ka dib markaas ayuu odaygii ogaaday in gabadhii hore ay siin jirtay cunto ay nafaqada ka nuugtay markaasu ku yidhi bulshadii la deganayd maalintii kaalaya isoo tusa Xabashii gabadhiisii hore aan soo Gubee oo aan xaabo ku shidee, markaas ayay dadkii ku yidhaahdeen maxaad usoo gubaysaa xabaasha gabadha- markaasu ku yidhi markii horena caato ayaan ahaa oo awood maan lahayn maantana waan ciyilay oo awood ayaan yeeshay .
Markaas Qurba Jooga Gobolka Saaxil iyo Waliba Dadweynaha kale ee gobolka ku nool iyo waliba Somaliland waxaan leeyahay hadii qoladii hore ay idiin calaalinjirtay oo ay nafaqada ka nugi jireen anagu Xukuumada Cusubi waan idiin Tumaynaa oo Nafaqada ayaan idinku siinaynaa ee bal markaad cayishaan uun Ha inagu gubina xabaashii qoladii hore(xukuumadii hore).”
Berberanews.con
Berbera