Ciidammada NATO Oo Duqeyn Culus U Geystay Goobo Uu Ka Mid Yahay Guriga Qadaafi ee Tripoli.

Tripoli, -(Berberanews)- Ciidammada isbahaysiga NATO, ayaa xalay weeraro duqeyn ah ku qaaday goobo uu yaala gudaha casimada Tripoli, halkaasoo lagu soo waramayo in goobahaas uu ka mid yahay guriga Madaxweynaha Libiya Mucamar Qadafi.
 
Inkasta oo aanay jirin xog sugan oo laga soo saaray khasaaraha ka dhashay duqeyn xagga circa ah ee diyaaradaha xoogaga NATO eek u duulay dalka Liibiya geyteen, hadana waxa jira war Salaasadii ka soo baxay saraakiil ka tirsan Liibiya oo sheegay in affar caruur ahi ku dhaawacmeen bur bur ka dhashay duqaynta NATO, kuwaasoo la sheegay in cisbitaalka lagu dawaynayo.
 
Duqaynta Diyaaradaha NATO la beegsadeen magaalada Tripoli, ayaa la sheegay in laba gantaal oo ka mid ahi ku dhaceen guriga Madaxweyne Qadafi uu joogi jiray, balse haatan aan la hubin inuu deganyahay iyo in kale iyo affar gantaal oo iyagana lala beegsaday dhismaha sirdoonka Libiya.
 
Dalalka NATO oo uu hormood u yahaya Maraykanku waxay bil ka hor dagaal ay ku macneeyeen badbaadinta shacabka ku qaadeen dalka Liibiya oo ay ka socota duufaanta isbedel-doon ee hore u galaafatay Madaxweynayaashii Masar iyo Tunisia, haseyeeshee illaa hada ma muuqato wax guulo ah oo reer galbeedku ka soo hooyeen gulufkooda,  iyagoo dab ku sii shiday marxaladii uu markii hore tagnaa dalku.
 
Berberanews.com