Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Aragtida uu ka qabo Dilka Hoggaamiyihii Al-Qaacida Osama bin Laden

Hargyesa, 04, May 2011-(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay fikirkiisa ku aaddan khaarajinta ama dilka ay Ciidammada Maraykanku ku dileen hoggaamiyihii shabakadda Al-qaacida Usama Bin Laden.
 
Madaxwey Siilaanyo waxa uu tilmaamay inuu la qabo aragtida waddammada reer galbeedku ka qaateen dilka hoggaamiye Usama, isagoo sheegay in argagixisadu dhibaato badan iyo khasaare baaxadle gaadhsiiyeen Somaliland.
 
Md. Axmed Maxamed Siilaanyo Madaxweynaha Somaliland oo shalay u warramay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, waxa uu Carrabka ku adkeeyay inay rejaynayaan in dilka Usama Bin Laden uu wax badan ka tari doono falalka ammaan-darro ee ka imanaya argagixisada caalamka.
 
“Dawladda Somaliland waxay ka qabtaa waxay dunida caalamku intiisa badan ka qabto oo ah in argagixisada caalamka lala dagaalamo, argagixisadu anaga dhibaato badan ayay noo gaysatay oo waynu ognahay dhibaatooyinka iyo khasaaraha badan ee ay noo gaysteen iyo duulaanka ay nagu soo qaadeen iyo hawlaha badan ee ay mandaqada aynu ku nool nahay ay ku hayaan iyo dunida caalamkaba,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
 
Waxaanu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, intaa ku daray oo uu yidhi; “Markaa wixii argagixisada la dagaalamay iyo wixii ka soo horjeedaba waanu soo dhawayaynaa oo anaga siyaasadaydu waa sidaa ayay ku fadhiday, marka waxaanu u aragna oo Illaahay aanu ka baryaynaa inay taasi noqoto mid aad iyo aad ka uga dhinta ama wax ka tarta talaabooyinkii ahaa argagixisada wax laga qaadayay argagixisada oo ay ka dhigto dunida waxay dhibaato  argagixiso u gaysanayso falalka ay kula kacayso caalamka.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
 
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.