Faham darada quality control, qiimaha ay qaranka u leedahay iyo fiiro la’aanta ganacsatada.

Madaxwaynaha somaliland Axmed maxamed maxamud (siilaanyo) waxa uu dhawaan magacaabay  ha’yad cusub oo aan hore dalka uga jirijirin  oo loo bixiyay ha’yada dhawrista tayada ,(quality control) oo shaqadeedu tahay in ay hubiyaan tayada agabka kala duwan ee dalka soo galaaya iyo maacuunta aynu isticmaalno.
 
Hadaba, waxaan iftiimin doonaa macluumaad ku saabsan shaqada ha’yadan looga baahan yahay iyo qiimaha ay nolosheena ugu fadhido, Ha’yadan oo dalalka aduunka badankooda ka shaqaysa waxaa uu magaceeda saxda ahi noqonayaa, ha’yada ilaalinta macaamiisha,(consumer protection), حماية المستهلك) Ha’yadani waxay la maqaam tahay ciidanka nabad sugidda qaranka, hadii ciidanku u xilsaaran yahay ilaalinta cadawga wax u gaysan kara dadwaynaha waxay ay ha’yadani ka ilaalisaa dadwaynaha dilaaga qarsoon sida alaabta xan baarsan caafimaad daro, qish iyo khiyaamo, alaabta oo wixii lagu sheegay aan ahayn. Waxaa sharciyan ah in cida alaabt iibinaysa looga baahan yahay in si cad ugu muujiyaan, kuna qeexaan weelka alaabtu ku jirto hadii ay tahay kiish, kartoon ama caagad in lagu qoro macluumaadkan soo socda
1. Magaca allaabta ama shayga
2.     Waxa uu ka kooban yahay ama ka samaysan yahay {ingredients }
3.     Waqtiga la sameeyay {production date} oo si cad loogu muujiyay maalinta, bisha, iyo sanadka.
4.     Waqtiga uu dhacayo ama aan la adeegsan Karin oo ku xardhan maalinta, bisha iyo sanadka {expired date}
5.     Miisaanka saafiga ah {Net weight} sida Kg, g, iyo mg, ama litir(L), mililitir adduu shaygu yahay dareere.
6.     Magaca dalka, calaamada warshada ama shirkada{brand or trade mark}
 
 
 
Ha’yada ilaalinta macaamiishu waxay leedahay sedex laamood oo kala ah
1.      Quality control (dhawrista tayada), oo leh shaybaadh ku qalabaysan alaabta wax lagu baadho iyo kimikada looga baahan yahay in hawsha lagu qabto, (quality control laboratory)
2.     standard and measurements, (Laanta qiyaasaha iyo cabirada,)المؤصفا) ؤالمقاييس)
3.     Assesment  and monitoring [qiimayn iyo dabagal  (Ilaalint ascaarta gaar ahaan kuwa quuto daruuriga ah.}
Ilaahay wuxuu quraanka kariimka ah ku xusay gaar ahaan suurada Waylu lil Mudafifiin bilowgeeda ilaa dhamaadkeeda, iyo guud ahaanba diinta suuban, ilaalinta cabirada iyo miisaanka wax lagu kala iibsado. Hadaba haya’da ilaalinta macaamiishu waxa ay u xilsaarantahay ama waajibaadkeedu yahay in ay hubiso in cabbiradu aynu isticmaalnaa yihiin mid saxa ah oo la jaanqaadi kara qiyaasaha caalamka {international standards measurement}
Hal kiiloogram waa is ku mid meel uu yaalaba sidaas  oo kale cabbaridda sida litirka badroolka lagu cabbiraa ma yahay mid lamid ah kuwa caalamka? (international standard ). Halka kiiloogram ee lagu cabiro Somaliland ma u dhigmaa ka caalamka?. Laanta qiyaasta iyo cabbiraadu waxa ay hubisaa in ay yihiin mid sax ah.
Waxaa xaqiiq ah in buskudka, keegaga, saabuunta jidhka iyo dawada ilkaha lagu cadaydo, ee laga keeno meelo dalka dibadiisa gaar ahaan koonfur bari aasiya , lagu sanceeyay dufanka khansiirka  oo iyagu si caadiya u adeegsadaan, dufanka khansiirka,  oo aanay xaaraan u arag  dadwaynaha somaalilandna si hawl yar u soo gala oo iyaga oon ogayn khansiirka adeegsada waa hawsha ha’yadu inay dadwaynaha ka ilaaliso.
 
 
Midabyo badan oo laga helikaro nacnaca, xanjada iyo walxo kale oo caruurta yaryari isticmaalaan waxaa laga yaabaa inay xanbaarsan yihiin midabo aduunka ka caagan oo cudurka kansarka laga qaadi karo, waa hawsha ha’yada u taal.
Khiyaamo ganacsi maaha mid dibada uun inooga timaada ee waxa ay ka iman kartaa dalka gudihiisa sida caanalayda oo lasheegay qaarkood in ay ku daraan caanaha penciling si uu   wakhti dheer dhay u uhaado oo aanu  dhanaanaan, Nabigeenii suu banaa wuxuu yidhi {ka ina khiyaameeyaa inagama mid aha}).(من غشنا فليس منا
Bal u fiirso warshadaha biyo soo saarka dalka halkii looga baahnaa inay ku qoraan waxa ay biyuhu ka kooban yihiin, waxay qoraan  wuxu dhacaya sanadka dib  (one year after production date)markay soo baxday kuma
qorna maalinta dhabta ah ee ay soo baxday, waxay kalooy ku qoraan curiyaal iyo tiradooda sida magnesium, calcium sodium, potassium iyo nitrate. Su’aashu waxay tahay ma loo baahan yahay in lagu daro curiyayaashaa biyaha? Haday jawaabtu tahay  haa. yaa hubiyay inay curiyayaashaasi ku jiraan biyaha ? ha’yada ilaalinta macaamiishu waxay u xilsaaran tahay  inay talo ka bixiso wax yaabaha looga baahan yahay in biyaha laga helo iyo wixii aan looga baahnayn.
Guntii iyo gebagabadii Waxaan ku rajo way nahay in marka ha’yada ilaalinta macaamiisha ay ka hawlgasho in ay wax wayn ka taridoonto dhaqaalo burburka ka iman karta allaabta suuqa inoogu soo gasha si qish ah. Waxay ka joojinaysaa in uu dalku khashin qub u noqdo, warshadaha iyo ganacsade khaayin ah mid dalka u dhashay iyo mid ajnabi ah ba.
 
By: Cabdi Xuseen Maraykan (cabdi flosy)