Xukuumadda oo shaaciyey tirada Dadka ku dhintay iyo khasaaraha ka dhashay Roob weyn oo Hargeysa ka da’ay

Hargeysa, 03, May, 2011 (Berberanewsl)- Maayarka Caasimadda Hargaysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa sheegay inay Roobabkii xalay ka da’ay magaalada Hargaysa ay ku dhinteen laba carruur ah oo uu Gidaar ku dumay, isla markaana ay qaar kalena ku dhaawacmeen Roobabkaas watay Dabaylo xooggan, muddo saacado badan ahna si is-daba-joog u da’ayey.
 
Maayir Jiciir oo Kormeer ku maraayey shalay qaar ka mida Waddooyinka Hargaysa oo Roobabku gooyeen, ayaa Warbaahinta u sheegay in khasaaraha roobka ka dhashay yahay dhimashada laba Carruur ah, Dumista guryo dhawr ah iyo jidad Daadku jaray.  “Waxaannu hadda wadnaa Kormeer aannu ku ogaanayno Waxyeellada Wadooyinka uu Roobku soo gaadhsiiyey, haddana waxaanu soo marnay Wadooyin uu roobku jaray, kuwaasoo ay Shaqaalihii dawladda hoose ku hawlan yihiin sidii ay u bannayn lahaayeen.” Sidaa ayuu yidhi Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir.
Waxaanu Duqa Caasimaddu intaa ku daray in ay Shaqaalaha dawladda hoose ku hawlan yihiin dib u habaynta Jidadka dhex-mara Magaalada Hargaysa, waxaanu xusay inay jiraan Wadooyin badan oo roobkui xannibay, kuwaasoo uu sheegay inay ku hawlan yihiin qaabkii ay u banayn lahaayeen. “Inta aannu ognahay Roobabkan waxa ku Dhintay Laba Carruur ah oo Gidaar ku dumay, runtiina Roobkii xalay (Habeen-hore) da’ay waxa uu ahaa Roob kala dambeeyey oo Dabayl badan wata, khasaare intaas ka badan oo uu keenayna ma jiro.” Ayuu hadalkiisa raaciyey Duqa Caasimaddu.
Waxa sidoo kale, uu Roobku keenay in wakhti ku began 11:00 habeennimo uu Laydhka ama Korontadu ka bakhtiyo ama ka go’o inta badan magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafadaha ay Korontada u shidaan Shirkadaha gaarka loo leeyahay qaarlood iyo kuwa dawladda labadaba, kuwaas oo damiyey Mishiinnada Laydhka dhaliya, iyaga oo ka cabsi-qabay in Korontadu ay keento khasaare nafeed.
Koronto-laáanta ay Habeen-hore Roobabku sababeen, ayaa kalliftay in Telefishannada maxalliga ah ee laga daawado Hargeysa gudaheeda ay qaarkood hawada ka baxaan, ka dib markii Roobabku ay xannibeen Korontadii u baxaysay. Roob sidaa kan khasaaraha keenay u miisaan weyn, ayaan in muddo ahba Hargeysa ka di’ín, waxaanu Dhagxaan iyo Ciid tiro badan ku ururiyey Daadka Roobku badhtamaha iyo daafaha magaalada Hargeysa, waxaanu sababay in Waddooyinka magaalada qaarkood ay xidhmaan, isla markaana ay goáan. Kaas oo keenay in ay Gaadiidka Magaaladu isku xannibmaan oo ay waayaan meel ay kala maraan, isla markaana ay waddooyinka qaarkood cidhiidhi noqdaan, xaddiga Baabuurta maraysa oo aad u badnaa, markii ay jidadka go’ay ka soo baydheen awgeed.
Xaafadaha danyarta ah ee magaalada Hargeysa ayaa inta badan uu si gaar ah u sameeyay Roobku, waxaana shalay xaafado magaalada ka mid ahi alaabtoodii oo dhan u gureen dibedda guryaha ay deggan yihiin, ka dib markii ay u galeen Biyo awood badan ku socday oo ay soo rogeen Roobabku.
 
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.