Madaxweyne Obama Oo Shaaca Ka Qaaday In Maraykanku Dilay Hoggaamiyihii Al-Qacida Cusaama Bin Laden

Washington, 02, May, 2011 (Berberanews):- Boqollaal qof oo Maraykan ay ayaa buux-dhaafiyey nawaaxiga Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo, ka dib markii uu salaaddii hore ee saaka Madaxweynaha dalkaasi Brack Hussein Obama ku dhawaaqay in Ciidamo Maraykan ahi ay gudaha Pakistan ku dileen hoggaamiyihii Al-Qaacida Cusaama Bin-Laden.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Ciidammada Millateriga dawladda Maraykanku ay maanta weerar ku dileen hoggaamiyihii Al-Qaacida Cusaama Bin-Laden.
Barack Obama oo hadalkan kaga dhawaaqay khudbad uu si toos ah uga jeediyay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Cusaama Bin Laden lagu dilay howlgal gaar ah oo Ciidammo Maraykan ahi ay ka fuliyeen xarun uu ku jiray Cusaama Bin Laden oo ku taalla magaalada Abbotabad ee waddanka Pakistan.
Madaxweyne Obama wuxuu sheegay is-rasaaseyn kooban kaddib ciidamada Maraykanka ay dileen Cusaama isla markaana ay gacanta ku dhigeen maydka Cusaama, wuxuuna sidoo kale sheegay in howlgalkaasi aysan waxba ku noqon ciidamada Maraykanka.
“Ciidammada Maraykanku way dileen Hoggaamiyihii Al-Qacida, Maydkiisiina waxay u soo qaadeen Xabsiga. Maraykanka waxay maanta u tahay maalin taariikhiya..” ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanku Mr. Obama. Obama wuxuu sheegay in dilka Cusaama Bin Laden ay soo afjarayso 10 sannadood oo la baadigoobayay Cusaama oo ahaa argagixisadii ugu weynayd ee caalamka.
Howlgalkan lagu dilay Cusaama ayaa yimid kaddib sirdoon billooyin socday oo ay si wadajir ah u fuliyeen Maraykanka iyo Pakistan. “Dilka Osama waxa uu Maraykanka uga dhigan yahay guul weyn oo taariikhiya oo u soo hoyatay dadweynaha Maraykanka..” ayuu yidhi Madaxweyne Obama.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.