“Xiligii la citiraafi lahaa Somaliland way gaadhay ..”Chief Of Protocolka Madaxtooyadda Maxamed Cilmi Aadan

Hargeysa- (Berberanews)- Madaxa Hab-maamuuska madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), kana mid ah gudi uu Madaxweye-ku-xigeenka Somaliland u magacaabay qabanqaabada xuska sannad-guurada 20aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii xoriyadda, ayaa ku dhawaaqay in la gaadhay xiligii Somaliland si rasmiya loogu aqoonsan lahaa qaran madaxbannaan.
Maxamed Ilkacase oo shalay ka hadlay qado-sharaf Hudheelka Imperial loogu sammeeyay Koox kubada cagta ah oo ka soo kicitimay magaalada Boorame, waxa uu sheegay shir ay isugu yimaadeen xubnaha qabanqaabada 18ka may ay hal-ku-dhig u qaateen “citiraafraadinta Somaliland” isagoo xusay inay gaadhay wakhtigii aqoonsi buuxa loo fidin lahaa, waxanu yidhi “Gudidii loo magacaabay 18 may, 2011. qabanqabadeeda maanta waanu shiirnay, halku dhigna waxaanu ka dhignay, citiraafraadinta Somaliland, Xiligii la citiraafi lahaa Somaliland way gaadhay ”Ayuu yidhi Ilkacase
Chiefka Protocolku waxa uu intaa raaciyay baaq ku waajahan dhammaan jaaliyadaha Somaliland ee dacalada dunida ku sugani inay mideeyaan xoogooda oo ay si midaysan u qabtaan xafladaha kala duwan ee loogu dabaaldegayo 18-ka May, isagoo tilmaamay baahida loo qabo inay dadweynuhu dareenkooda maalintan si weyn u muujiyaan.
Diyaargarowga dabaaldegyada ka socda gudaha iyo debeda Somaliland, ayaa muujinaya waxyaabo badan oo uu sannadkani kaga duwanyahay sanadihii hore, gaar ahaan waxyaabaha sida weyn indhaha Soomaalida iyo caalamka u soo jiitay waxa ka mid ah barta internetka Face buuga oo dadweynaha reer Somaliland ee istcimaalaa ay bogagooda hore soo dhigteen calanka Somaliland iyo farriimo ay u dirayaan dadyowga kale inay sidaa si la mid ah sammeeyaan oo kaga qaybgalaan dabaaldega 18ka May.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland