Wasiirka Ciyaaraha oo ka warramay hawlaha Wasaaraddiisa iyo doorka ay ku leedahay xuska 18-ka May

Hargeysa- (Berberanews):- Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Maxamed Ibraahim Madar, ayaa shalay hortagay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, isla markaana wax uu xog-warran ka siiyey habka ay Wasaaraddu u shaqayso, guulaha ay gaadheen muddadii uu xilka hayey, doorka ay Wasaaraddu ku leedahay xuska Munaasibadda 18 May ee labaatan guurada gooni-isu-taagga Somaliland markii lagu dhawaaqay 1991-kii oo sannadkan ku buuxda iyo waxyaabaha u qorshaysan.

“Hadda waxaannu wadnaa qorshayaal aannu Garoommo ugu dhisayno Dhallinyarta, waxaana hadda aannu dhamaystirannay qorshahoodiii 12 Garoon oo Magaalada dibaddeeda ah iyo Lix Garoon oo yar yar oo magaalada Gudaheeda ah, kuwaasoo aanu ugu tallo galnay inay ku Ciyaaraan dhallinyartu. Waxa kale oo aannu wadnaa 10 ka mida Garsoorayaasha Ciyaaraha oo aannu tabobbar ugu qaadayno Waddanka Ingiriiska oo iyagana hawshoodii hadda dhan tahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhaqanku.
Wasiirka oo ka hadlayey qaabka ay Wasaaraddiisu ugu diyaar-garoobayso Xuska 18 May, waxa uu yidhi; “Wasaaraddu waxay iskugu jirtaa Ciyaarihii iyo Dhaqankii, markaa dhinacii dhaqanka waxaannu ku hawlannahay oo diyaarinnay Fannaaniintii ka qayb-qaadanaysay Munaasibadna 20-guuradii ka soo wareegtay ku dhawaaqistii Somaliland.”
“Waxaana jiray Gudci ka kooban Shan Wasiir, Maayirka Caasimadda iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex oo arrintaas nagala shaqaynaya,. Markaa, Wasaaraddu arrimahaas ayey hadda ku hawlan tahay.” Ayuu hadalkiisa raaciyey Wasiirka Ciyaaruhu.
Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Guurtida Xildhibaan Muxumed Aw Axmed, oo kulankaas ka hadlay, ayaa Wasiirka uga mahadceliyey sida uu u soo ajiibay inuu Guddiga joogtada ah oo inuu u yimaaddo dalbaday uga aqbalay yeedhistooda.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.