Somaliland oo sheegtay inay ka shaqaynayso sidii Urur Xuquuqda Shaqaalaha u dooda dalka looga samayn lahaa

Hargaysa- (Berberanews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay Sheegtay inay taageerayso sidii loo samayn lahaa Urur u dooda shaqaalaha kala duwan ee dalka ka hawgala oo muddo dheer ka cabanayay qaabka dadka ay u shaqeeyaan ula dhaqmaan si ka baxsan Xuquuqda Aadamaha, Shareecada Islaamka iyo Xeerarka Shaqaalaha dunida-ba.

Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawlada Somaliland Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil, ayaa sheegay in dawladdu ay taageerayso in la sameeyo Urur mideeya shaqaalaha dawladda iyo kuwo madaxa-bannaan ee dalka ka shaqeeya, si loo sugo xuquuqdooda, iyada oo ay cabashooyin had iyo jeer ka yimaaddaan shaqaalaha oo loo shaqeeyayaashu inta badan xuquuqdooda ku tuntaan.
Waxa uu Guddoomiyaha Hay’adda shaqaaluhu ballan-qaaday in ay ku dedaali doonaan sidii loo hirgalin lahaa ururkaas oo ay samayntiisu muhiimad gaar ah u leedahay dalka iyo dadka ka shaqeeya iyo sidoo kale loo shaqeeya oo ka badbaadi doona inuu dulmiyo shaqaalihihiisa.
Inta badan dadka shaqaalaha ah ayaan lahayn wax xuquuq ah, iyaga oo tacadiyo fool-xun qaarkood kala kulmo madaxada xuramaha ay ka shaqeeyaan oo ku tunta ama ku xad-gudba xaqooda ay dhididaan, kuwaasoo aan badi dawlad, Shicib iyo Urur wax uga qabta ama u raadiya xaqooda Looshaqeeyayaashu sida sharci-darrada ah u lunsadaan.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.