Waxgaradka Gobolka Saaxil Oo Soo Af Jaray Muran Maalmihii Ugu Dambeeyay Ka Taagnaa Jaamacadda Culuumta Badda Ee Berbera

Cuqaasha iyo wax garadka gobolka Saaxil ayaa soo afjaray muran maalmihii ugu dambeeyay ka taagnaa jaamacadda Culuumta Badda ee Magaaladda Berbera.
Khilaafkan oo ka dambeeyay ka dib markii uu Badhasaabka Gobolka Saaxil kala diray guddidii jaamacadda, kuwaas oo ku eedeeyay in ay gudan kari waayeen hawlahoodii shaqo isla markaana lugta qabteen hawl maalmeedkii jaamacadda.
Haddaba cuqaasha Galbeedka Gobolka Saaxil oo manta shirjaraa.id ku qabtay magaalada berbera ayaa waxay sheegeen in ay usoo gurmadeen sidii ay u xalili lahaayeen murankaa ka taagan jaamacada berbera ee culuumta bada lagu barto iyaga oo intaa kudaray in ay hablahaa gudida jaamacad hormood ka ahaa usoo cawdeen iyaga oo usheegay cuqaasha hablahaasi in maamulka gobolka saaxil oo dhami isu raacay isla markaana ay ka qaadeen jaamacad(Private)ah oo ay iayagu leeyihiin sida ay manta shirkoodaa ka sheegen madax dhaqameedka galbeedka Gobolka saaxil waxaanay intaa ku dareen cuqaashu in ay wixii hablahaa gudida jaamacad ahaa usheegen ee ay kaga cawdeen maamulka gobolka markii ay baadheen ee ay maamulada Gobolka ee kala duwan iyo bulshada kaleba lakulmeen ay noqon waayeen sidii hablahaasi cabanayay ay sheegen waxa badanina ay soo baxeen waxaana cuqaasha shirkoodaa jaraa.id furay oo ugu horeyn hadalka furay Jiif Caaqil Axmed Maxamuud Cawad(Ina Caaqil Yare) waxaana hadaladiisii kamid ahaa
“marka hore waxa aanu nahay cuqaashii galbeedka Gobolka saaxil waxa aanu halkan(Berbera) unimi waxa aanu aheyn gurmad gurmadkaasi waxa uu ku waajahanaa murankii ayaamahanba taagnaa ee udhexeeyay gudidii hore ee jaamacada berbera iyo maamulka gobolka murankaas oo aanu damacsanayn in aanu soo afjarno ta labaad waxa iyana aanu islaheyn hablihii jaamacad gudida ka ahaa oo iyan cabashoo noo keenay iyagan waxa ay ka cabanayaan bal iyana u kuur gala habluhu waxay noo sheegen in ay jaamacadu tahay mid iyagu haysteen oo(Private)ah oo aanay dawliba aheyn oo laga qaadayo markii aanu halkan nimi waxay aanu kulamo la qaadanay maamuladii Gobolka oo dhan gaar ahaan Maamulka gobolka,maamulka Degmada iyo wixii ay hawshani khuseysay oo dhan anaga oo kulamo gooni gooni iyo kulamo caamaba la qaadanay waxa aanu marka hore ogaanay in gudidani hablaha ahi yihiin kuwii asaasay jaamacad culuumta bada ee berbera laakiin aanay iyagu jaamacad gaar ulaheyn wax Private layidhaana aanu jirinba jaamacad dhismeheedana wax ka qeyb qaatay bulshada reer Saaxil oo dhan gudo iyo debedba laakiin hablahani waxay fikirka ayay keeneen wax weyna qabteen sida noo sheegen madaxda magaaladu waxaanay madaxdaasi sheegen in hablaha lagu xusi doono jaamacad mar walba oo taariikhda jaamacad ay iyagu kusuntan yihiin markaa wixii aanu ogaanay iyo wixii noosoo baxyba hablihii waanu usheegnay kadibna waxa aanu go.aansanayn in aanu muujino dareenkaygii oo waliba aanu taagerno maamulka Gobolka sidaas ayaanu manta uqabanay shirkaygan.
waxa iyaguna halkaa kahadalay oo taageeray go.aanka Jiif Caaqil Axmed maxamuud Cawad caaqilo iyo waxgarad ay kamid ahaayeen Caaqil Rashiid iyo Suldaan Cabdilaahi Ismaacil(Cabdilaah direys).Caaqil cabdi xaji xassan.caaqil Cumar Diiriye.Caaqil CaliCismaan Samatar dhamaan cuqaashan ayaa waxay si mideysan goobtaa uga wada cadeyeen in ay taageersan yihiin go.aankaa Jiif caaqil Axmed Maxamuud Cawad iyo waliba iyaga oo iska wada daba maray in ay jaamacadaasi xukumi tahay oo aanay jirin wax private ah waxaanay sheegen in ay jaamacadani lamid tahay jamacadaha dalka ee dawalda iyaga oo intaa kudaray in ay taageersan yihiin isbedelkaa uu maamulka Gobolku ku sameeyay jaamacad culuumta bada ee berbera waxaanay cuqaashu shegen in maamulka Gobolku balan qaaday in uu waxa ay hablahaa gudida ahaa soo qabteen xus balaadhan loo sameyn doono.