SOMALILAND WAXAY SAYLED UTAHAY DHULKA SOMALIDU DEGTO

Waxa aan halkan kaasalamayaa dhammaan umada reer somaliland meel kastoy joogaanba marka labaad waxa aan salaan qiimo badan u dirayaa hawl wadeenada hadhwanaagnews iyo xilka culus ee ay umada uhayaan kuna amaanaayo sida markasta wararka iyo dhacdooyinka noogu soo gudbiyaan taas oo ay ku amaanan yihiin.

Halkan runtii waxa aan kaga hadli doonaa sida aad ku aragtaan mawduucayga cinwaankiisa kaas oo aan uga jeedo somaliland waxa ay noqotey seylada dhulka somalidu degto sabaabta ay ku noqoteyna waxa weeye dagenaanshaha iyo xasiloonida kajirta awgeed taas oo suura gelisey in ay somaliland noqoto sayled gacmo badan isku dhafaan kaas oo uu guusha ugu weyn leeyahay nidaamka ganacsiga suuqa xorta ah ee ay somaliland qaadatey.
Maadama ay somaliland noqotey sayled xor ah oo cid kasta ufuran sidee ayey dadka reer somaliland uga faa´iideysan karaan iyaga oo dalkooda kadhigaaya sida wadamada ah sayladaha caalamka ee suuqyada ugu waaweyn ee calamku wax ku kala iibsadaa kuyaalaan?
Hadaba akhristow makula tahay in somaliland noqon karto seylad kamida sayladaha caalamku wax ku kala iibsado kaas oo ay suuqyada ugu waaweyni kuyaalaan shirkadaha calamkuna isha kuhayaan kuna tartamaan hadaba waxa somaliland hada ka soo ifbaxaya in ay noqon karto sayled kamida sayladah caalamku ku beratamaayo taas oo sabaab u ah shirkadaha hadaba ka ganacsaada adhiga ee somaliland kasoo iibsada sanad walba in ku dhaw laba milyan oo neef oo kamida xoolaha somalida kaas oo isaga kala yimi dhamaan dhulka somalidu degto.
hinda hassan