Maxkamadda Degmada Hargeysa Oo Maanta Xukuntay 22 Qof Oo Rag & Dumarba Leh Oo Ku Eedaysnaa Isticmaalka Maandooriyaha Iyo Anshax-darro.

Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa maanta xukuntay 22 Qof oo isugu jiray Rag iyo Dumar. Kuwaasoo ku eedaysnaa isticmaal iyo haysasho maan-dooriyo , halka qaarkoodna ay u dheerayd falal anshax-darro.
Waxaanay kala ahaayeen 16 Rag ah iyo 6 (Lix) Dumar ah. Iyadoo saddex dumar ahi ay siteen caruur aan Aabo lahayn oo muujo ah. Saddexdii caruurta ahaydna waxa ay maxkamaddu ku xukuntay oo ay u dirtay xarunta agoomaha si loogu xanaaneeyo, si ay u helaan nolol ku dhisan farxad, kalgacal iyo xuquuqdoodii aadanimo.
Eedaysanayaashan la xukumay ayaa iyagu dhammaantoodba maxkamadda horteeda ka qirtay dambiyada lagu soo oogay ee cabista xabagta iyo anshax darrada. Waxa kale oo maxkamaddu ay maanta sii daysay xorriyadoodiina u soo celisay Laba eedaysane oo lagu waayey wax dambiya.

Guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa  Gar-soore C/rashiid Beer-geel oo isagu maxkamadda horteeda kaga dhawaaqay xukunkaasi ayaa waxay maxkamaddu u cuskatay eedaysanayaashaasi ku gefidda qodobada xeerka la dagaalanka mukhaadaraadka oo sheegaya  isticmaalka maandooriyaha, ka ganacsigiisa, haysashadiisa intuba inay yihiin isku mid, cidii loo qabtana si isku mida loo ciqaabayo.
Waxa kale oo maxkamaddu ay Lix dumara si gaara ugu qaaday xukunka xeerka ciqaabta guud ee qeexaya falalka ka hor imanaya anshaxa suuban ee bulshada, diinteena Islaamka iyo waliba bilicda caasimadda Hargeysa.
Maxkamaddu waxa kale oo ay xukuntay in la daadiyo xabagtii ay cabayeen eedaysanayaashu ee ay u isticmaalayeen darooga ahaanta si ay ugu sikhraamaan. Taasoo ku jirtay caagado, daasado iyo waliba caagadaha laga cabo sharaabka.
Hadaba eedaysanayaashii isku bedelay dambiilayaasha ee maanta la xukumay marka laga reebo  labo lasii daayey ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin sidan:

  • ·         Nasriin Jamaal Cabdishakuur
  • ·         Ubax Maxamed Daahir
  • ·         Qureesh Salebaan Muxumed
  • ·         Feysa Abiib Habane
  • ·         Nimco Maxamed Ibrahim
  • ·         Ishwaaq Maxamed Aadem
  • ·         Maxamed Jaamac Cabdi
  • ·         C/razaaq Xirsi Maxamuud
  • ·         Maxamed Cabdi Raage
  • ·         Axmed Maxamed Axmed
  • ·         Maxamed Daa’uud Abiib
  • ·         C/qaadir Faarax Xasan
  • ·         Naasir Axmed Daahir
  • ·         Cabdi C/laahi Cali
  • ·         Cabdi Maxamed Ismaacil   (Waa la sii daayey)
  • ·         Xuseen Cabdi Maxamuud
  • ·         Mahdi Axmed Haybe
  • ·         C/naasir Cumar Jaamac
  • ·         Maxamed  Yuusuf Aadem
  • ·         Xamse  Cabdi Qorane
  • ·         C/laahi Cumar Xasan (Waa la sii daayey)
  • ·         Nimcaan Maxamed Faarax
  • ·         Axmed Ismaaciil Dayib
  • ·         Maxamed Jibriil Xuseen
  • ·         C/razaaq Xasan Xariir

Xukunka oo maxkamaddu ay ku dhawaaqday maanta oo bishu tahay 28/04/2011, ayaa lixda dumarka ah oo iyagu ku kacay una dheeraayeen falal ka baxsan dhaqankeena suuban ee islaamka isla markaana qaarkood siteen saddex caruur ah oo bilaa Aabo ah, ayaa maxkamaddu waxay sheegtay una gudbisay xabsiga Gabiley, si akhlaaqdoodii u soo toosto iyo si ay edeb ugu qaataan ciqaabtan ay kasbadeen ee sharciga ka hor qirteen.

Isku soo wada duuboo dacwaddan ay maanta maxkamaddu soo afjartay ayaa noqonaysa mid gilgili doonta dhammaan dadka caadaystay falalkaasi foosha xun, kuwaasoo u badan darbi jiifka oo beryahan aad ugu soo batay dalka isla markaana dhaqan xumo hor leh lasoo baxay, waxaanad arkaysaa iyadoo hablaha iyo wiilashuba wada cabayaan xabagta isla markaana si fagaare ah isku dhex roorsanayaan meelo aan kaba dheerayn goobaha la iskugu yimaado.